site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET MAGAZINE ...Archives...

SIYAASADA - XALKA PUNTLAND: DOOD FURAN

Aniga oo tix raacaya maqaalkii ay Layla Daahir ku soo qortay magazine-kan bishii Feberaayo ayaan doonayaa inaan ra?yigayga ka dhiibto arrinta ku saabsan xaalka Puntland, maadaama uu yahay mowduucu dood furan. Marka koowaad waa jiraan fikrado aan kugu raacsnahay isla markaasna waxaa jira kuwa aan u arko si ka duwan sidaad u aragtid. Haddii aan ku hor maro fikradaha aan kugu waafaqsanahay waxaa ugu horreeya inaan dowlad goboleedku wax horumar ah samayn markii dhinac kasta laga fiiriyo, xagga tacliinta, dhaqaalaha, ammaanka iyo horumarka guud, si sababta arrintaan keentay loo fahmo waxaa lagama maarmaan noqonaysa inaan gadaal ugu noqono sidii ay ku bilaabatay fikradda maamul goboleedka, markii maamulkaan la samaynayay waxaa ula jeedadu ahayd in lagu sugo inta laga helayo Soomaali weyn, waxaa isu tagey qabaa?ilka dega dhulkaas, waxaa isu tagey Isimadii iyo wax garadkii goboladaas. Isha dhaqaale oo u weyn waxay ahayd dekadda Boosaaso, dhaqaalaha dekadda ka soo baxa waxaa lagu saleeyay sidii gobollada loogu qaybin lahaa, ma xuma in wax la qaybsado laakiin xisaabta laguma darin dhinaca horumarka, bil kasta markay dhamaato ayaa gobolada qaar laga sugaa gaari lacag wada oo ka imaanaya dhinacaas iyo Boosaaso. Ma kula tahay xaalad saas ah in Iskuulo iyo caafimaad la hor marin karo? Aniga jawaabtu waa maya ayay ila tahay!

Waxaan kale oo kugu raacsanahay inaan Axdigii la qoray la raacin wixii ku qornaa. Ugu danbayntii waxaan kugu raacsanahay inaan dhibaato ka horrayn markii dawladdii ku meel gaarka ahayd ay waqtigii ku darsatay, inkasta oo la oran karo habkii looga diidayna wuxuu ahaa mid khilaafka sii badinaya.

Haddii aan u soo noqdo qaybta aanan kugu raacsnayn waxaa ugu horreeya in 75% dilka gardarada ah oo gobolka ka dhacay 3-dii sano oo la soo dhaafay ay dawladda ku meel gaarka ahi gaysatay, ma garanayo sida aad ku ogaatay tirada dilka iyo waliba inay dawladdu 75% kiiba iyadu gaysatay. Waxaa kale oo aanan kugu raacsanayn in xalka Puntland ku jiro Isimada, sababta aan saas u leeyahay waxaa weeye, iyada oo Isimada shaqadoodu ku salaysan tahay dhaqanka meeshaas looga dhaqmo. Haddiise arrintu ay siyaasad dibad iyo mid gudo ay noqoto isimadu wax badan kama fahmi karaan, waxaa kale oo iyaduna xusid mudan isimada laftigooda waa saamaysay dhibaatada qabiilku, sida qofka siyaasiga ahi uu dan gaar ah u wato ayaa Isimkuna dan gaar ah u wadan karaa, waana sababta keentay inay Isimada Puntland hal meel ah isugu imaan waayeen oo hal go?aan ah soo saari waayeen. Waxaa kale oo jirta in hadda qabiil kasta samaystay Isim, haddii qabiilkaasi 5 lafood u qaybsamana, laf walba waxay samaysatay Isim gaar u ah, waxaa intaas dheer inaan 5-ta Isim ee lafaha iyo Isimkii hore oo qabiilka masali jiray ay isku miisaan yihiin, waxaaba marmarka qaarkood dhacda in Isimka yar-ka raalli ahow wax kale oo aan ku magacaabo ayaan garan waayey- uu ka fir-fircoonaado kii hore waayo wuxuu rabaa inuu aqoonsi buuxa helo.?

Puntland hadda waxay ku socotaa in gobol kastaa gooni u go?o, waa haddii ay nasiib leeyihiin oo ayan dagaal isku qaadin, haddii ay dagaal isku qaadaan iyaga oo intii meelo badan oo Soomaliya ka mid ah uu dagaal ka socday ma noqonayso wax aad loola yaabo, waxaa lagu fasiri karaa inuu dagaalkii ka soo daahay oo ay ahayd inay mar hore is dagaalaan si hal mar ah Soomaalida oo dhammi u daalaan.

Dhibaatada Puntland ka jirta waa qayb yar oo ka mid ah dhibaatada Soomaliya, si xal Puntland loogu helo waa in Soomaaliya xal loo raadiyo, inta ka horraysa, qayb kasta oo Soomaaliya ka mid ahi waxay ku jiraysaa wareerka ay hadda ku jirto iyo mid ka sii daran. Haddii ay reer Punland doonayaan inay ka badbaadaan qaar ka mid ah wareerka soomaalida haysta, waa in dhammaan bulshadu isla shaqayso, kan siyaasiga ah siyaasadda wax laga waydiiyo isaguna uu tix galiyo qofka askariga ah oo marxaladihii dagaalka ka soo qayb qaatay difaaca deegaanka, kan askariga ahna askarinimada wax laga waydiiyo, isugu uu ogaado in waqtigu is badalay oo aan la joogin waqti markii qofka la yiraahdo ?horay u jeenso? uu horay u jeensan jiray isaga oo aan is waydiin sababta horay loogu jeensanayo, kan Isimka ahna isimnimadiisa lagu tixgaliyo waxna laga waydiiyo wixii isaga khuseeya. Waxay kale oo ay u baahan yihiin inay qofkii khaldan u sheegaan, laakiin haddii qofka khalad gacan lagu siiyo iyada oo la fiirinayo qabiilka uu ka dhashay ama loola dagaalamo iyada oo loo eegayo qabiilka uu ka dhashay, natiijadu waxay noqonaysaa waxa hadda ina hor yaal oo qof kasta oo wax garanayaa uu dareemi karo.