site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET MAGAZINE ...Archives...

SIYAASADA - XIRIIRKA SACUUDIGA IYO MARAYKANKA OO SOO XUMAANAYA

Dhibaatadii 11-kii September aad ayay adduunka oo dhan u saamaysay. Maraykanku waa waddanka dhibaatadu ku dhacday, wuxuu aaminasan yahay in 15 ka mid ah 19-kii qof oo dhibaatada gaystay ay u dhasheen Sacuudiga, waxaa intaas sii dheer in Maraykanku aaminsan yahay Maskaxda ka danbaysay dhibaatada oo idil - Usama Bin Laden - uu yahay nin Sucuudi ah, in kasta oo ay jirto in Jinsiyaddii Sacuudiyanimada laga qaaday sanadkii 1994-tii.

Xiriirka Maraykanka iyo Sacuudigu wuxuu bilowday 1920-taneeyadii, waa waqtigii uu Cabdi-aziz Al Sacuud dhidibada u dhigay dawladda boqortooyada Sacuudiga. Heerar kala duwan iyo marxalaxalo wajiyo kala duwan leh ayuu soo maray. Xiriirku markii hore mid dhaqaale ayuu ku bilowday, markii Sucuudiga shidaalka laga helay, shirkadda Maraykanka ah ee Aramco ayaa iyadu qandaraas ku qaadatay soo saaridda iyo suuq gaynta shidaalka Sacuudiga. Labada waddan isku mowqif ayay ka taagnaayeen dagaalkii qaboobaa oo loolanku ku dhex yiil waddankii horay loo oran jiray Midowga Soofiyeeti iyo Maraykanka, ama waxaaba la oran karaa Maraykanka ayaa Sacuudiga adeegsanayay. Sacuudigu wuxuu gacan weyn siinayay mujaahidiintii Afqaanistaan isla markaas Maraykankuna taageerada uu Mujaahidiinta ugu talo galay wuxuu u sii marsiin jiray Sacuudiga. Dagaalkii gacanka ee 1990-kii xiriirka labada waddan waa sii wanaagsanaaday waayo marka koowaad wuxuu badbaadiyay Kuwait oo Boqortooyo ay Sacuudiga aad isugu fiican yihiin ka talinaysay, marka labaad Sacuudigu wuxuu aaminay in Maraykanku yahay dawlad lagu tashan karo markii musiibo dhacdo. Dagaalkii markii uu dhamaaday Maraykanku isaga oo dhinacyo badan wax ka fiirinaya ayuu soo hindisay inay lagama maarmaar tahay in ciidammadiisu ay sii joogaan khaliijka. Sacuudigu waa soo dhaweeyay arrintaas. Sidaas ayay ku timid fikradda in Maraykanku saldhig ku yeesho Sacuudiga. Ciidammo isugu jira 4,500 oo Maraykan ah iyo 1,000 Ingiriis ah ayaa saldhigaas waqtigaan hadda la joogo diyaar ku ah. Markii hore xaruntu waxay ku tiil Al-khubar kadibna markii qaraxu ka dhacay 1996-dii oo ciidamo Maraykan ahi ku dhinteen ayaa labada waddan is tuseen inayan meeshaasi ammaan ahayn, kadibna waxaa loo raray saldhiga Amiir Suldaan oo ku yaal meel saxara ah oo Riyaad u dhaw. Saldhiggaasi waa kii Ciraaq laga weeraray haddana ay ka kacaan qaar ka mid ah diyaaradaha Maraykanku Afqaanistaan ku weeraro. Saldhiggaan buuq badan ayuu Sacuudiga dhexdiisa ka abuuray, shacab farabadan oo Sacuudi ah ayaa aaminsan in ay lagama maarmaan tahay in ciidamadaasi ka baxaan sacuudiga, tusaale ahaan shiikh Cabdiraxmaan Al-xudayfi-Imaamkii Xaramka- ayaa sanadkii 1998-kii khudbaddii xajka ee maalinta carafa ku sheegay inay lagama maarmaan tahay in ciidamada Maraykanku ka baxaan dhulka Sacuudiga, Shiikh Xudayfi maalintaas ayaa ugu danbaysay khudbo uu soo jeediyo, marar kale oo badana wadaado waaweyn ayaa masaajidada ka sheegay arrintaas, qaar ka mid ahna waa la xirxiray. Maraykanka, in ciidamo aaggaas u joogaan muhiim ayuu u arkaa isla markaasna in la dhimo ama waddan kale loo raro waa arrin laga wada hadli karo sida marar badan laga soo xigtay aqalka cad ee Maraykanka, marar badan waxaa afka lagu dhuftay in Baxrayn loo raro.

In xiriirka labada waddan wax ka khaldan yihiin waxaa aad loo dareemay kaddib markii dhibaatadi 11-kii September ay dhacday, waxayna ku soo aadday waqti uu xukunka sacuudiga si ku meel gaar ah uu u sii hayo Amiir Cabdullaahi bin Cabdi-aziz, kaddib markii caafimaadka boqor Fahad oo maalinba maalinta ka danbaysa uu sii xumaanayay laga soo bilaabo 1995-tii.

Amiir Cabdullahi oo 77 jir ah, arrinta ugu horraysa oo ay Maraykanka isku maandhaafeen waa arrinta Falastiin oo uu Amiirku aaminsan yahay in maraykanku si cad u taageero Israa?iil, wuxuu kale oo aaminsan yahay inay lagama maarmaan tahay in la helo dawlad Falastiin leedahay, sanadkii hore mar madaxweyne Bush uu casumaad u fidiyay Amiirku waa diiday, mar kalena wuxuu Washington u diray waraaqo uu ku cadaynayo in haddaan Maraykanku wax ka badalin siyaasadiisa bariga dhexe ay sabab u noqon karto inay saamayso xiriirka labada dal. In kasta oo uu Amiirku marar badan uu ka hadlay xiriirka labada waddan hadana maadaama uusan wali si rasmi ah xukunkii gacanta ugu dhigin wali lama garan karo sida uu ka damacsan yahay xiriirka labada dal, intaas waxaa sii dheer waa isaga oo hadda ku mashquulsan arrimo badan oo lug ku leh dhaqaalaha waddanka tusaale ahaan, shaqa la?aanta (unemployment) oo gaartay 25%, kharaska dawladda oo ka batay (18.6%) intii loogu qoondeeyay miisaaniyadda iyo waliba qoyska reer boqorka oo kharashkoodu aad u badan yahay.
Dhibaatadii 11-kii September markay dhacday, maraykanku waa filan waayay mowqifkii dawladdii sacuudiga, magacyo iyo liisas isugu jira shirkado iyo dad Mararykanku ku tuhunsan yahay argagixisnimada ayaa maraykanku u gudbiyay Sucuudiga, marar badan Sucuudigu wuxuu ku soo jawaabay ?ilaa iyo hadda wax cad ma hayno?, ?baaris ayaan wadnaa? iwm.

Ilaa iyo hadda tilaabooyinka uu sacuudigu qaaday waxaa ka mid ah in baaris ku socoto dhawr shirkadood oo ay ka mid yihiin Al Rajhi Banking and Investment Corp iyo Dallah Barakah Group, sidoo kale waa jirtaa in dad lacagohood ay dawladda Sucuudigu joojisay. Sida wasiirka arrimaha gudaha ee sucuudiga Amiir Nayef laga soo xigtay ilaa iyo hadda dawladda Sacuudigu waxay xiraty 30 qof oo ay ku tuhuntay argagixisnimo, wuxuu wasiirku intaas ku daray in qaar ka mid ah la sii daayay kadib markii waxba lagu waayay.

Maraykanku mar kasta oo ay ka hadlaan xiriirka labada waddan waxay muujiyaan shakiga weyn oo ay ka qabaan Amiirka iyo waxa uu damacsan yahay, marar kalena waxay sheegaan inaan sacuudiga Dimuquraadiyo ka jirin, inaan dumarku xuquuqdooda helin, in iskoolada Sacuudiga lagu baro ardayda inay nebcaadaan gaalada lana dagaalaan iyo inaan diin aan tan Islaamka ahayn loo ogolayn in Sacuudiga dhexdiisa lagu baraktis gareeyo. Waxaase is waydiin mudan ilaa iyo markii u horraysay oo labada waddan xiriir dhex maro arrimahaani sidaas ayay ahaayeene maxaa hadda soo kordhay?