site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET MAGAZINE ...Archives...

SOOMAALIDA QURBAHA - SOOMAALIDA ISKAANDANEEFIYAANKA IYO BASAASNIMO MAXAA KALA HEYSTA?

Shalay Norway iyo Denmark maanta Sweden berrina Allaa og!

Tan iyo intii dadka soomaaliyeed u soo qaxeen dalka dibaddiisa waxaa ay la soo baxeen dabeecado iyo cadooyin qalafsan oo aad durbo isweydiineysid waxa kalifay in si fudud loogu dhago nuglanaado dhaqamadan siloon ee laga dhaxlay dadka loo qaxay?

Soomaalida qurbaha timid maxey ka faa?iideen dagaaladii sokeeye?, waayuhu muxuu baray? dadkey magangalyada u soo doonteen maxey kula joogaan ? maxeyse kala kulmeen? Su?alahaas iyo qaar kale oo aad isweydiineysid ayaan jawaabahooda Si deg-deg ah loo heli karin marka aad eegto wacyiga maanta jira.
Arrintu si kastaaba ha ahaatee waxaa muuqata in soomaalidu aysan marnaba waayo arag ku noqon barakicii iyo qaxootinimadii ay muddo 11 sano ah ku sugnaayeen, sidoo kale waxaa weli bulshada ku dheer ku dhaqanka qabiilka oo meel sare ay ka gaareen, taa waxaan ula jeeda iney ka hooseyso heerkii ay shalay joogtay bilowgii dagaaladdii sokeeyo marka laga hadlayo qabiilka. Hadaba marka aan u soo laabto dulucda maqaalkan oo ka hadlaya arrimo badan oo la xiriira soomaalida ku nool waddamada ku yaalla waqooyiga Yurub ee loo yaqaano Iskaandanifayan, qaar ka mid ah soomaalida ku nool waddamadaas ayaa muujiyay falal basaasnimo ah oo aad moodid in beryahaan danbe loollan ba?ani uu ka dhaxeeyo.

Sannad ka hor ayey dhacdadii ugu horreysay ka dhacday dalka Norway kaddib markii ay gabar soomaali ah uu u soo xiray Tv-ga dalkaasi kaamirada qarsoon ee wax lugu duubo iyada oo markaas soo basaastay qeybaha kala duwan ee bulshada soomaalidu ka kooban tahay. Waxey soo aruurisay macluumaad badan oo ay helitaankooda ku wareersanayd dowladda Norway.?

Ujeedada laga lahaa gabdhaas ayaa aheyd iney soo uruuriso macluumaad ku lug leh dadka-dadka beenta ku soo geliya iyo carruurta lagu soo gudo dalka dibaddiisa. Walow hadafkii laga lahaa barnaamijka Tv-gaas uu ahaa in la ogaado cidda ku lug leh arrimahaan. Gabar ku sheegtaas soomaaliyeed ayaa la kulantay dad iskugu jiray shaqsiyaad iyo culumaa?u-diin iyada oo markaas isku ekeysiisay gabar rabta iney ogaato waxa ay diinta Islaamku ka qabto gudniinka gabdhaha iyo in ragga jooga dalalka reer galbeedka ay guursan karaan xaas labaad iyo in kale, waa sida ay ku raadineysay wararka Tv-guna uu sheegay.

Arrintan ayaa gilgishay gebi ahaan dalka Norway kadib markii dad lugu tirinayey iney ahaayeen culumaa?u-diin lagu sheegay iney qudhoodu qiyaano ku kaceen waa sida hadalka uu Tv-gu u sheegay hadalka ayna ka muuqdeen sawirada ay kaamiradaasi soo qabatay, iyaga oo markaas bixinaayey talooyin ku sabsan gudniinka.
Qaanuun ahaan waa ka mamnuuc dalalka reer Galbeedka in ninku uu hal xaas ka badan guursado. laakiin dadka muslimiinta ahi arintaas si qarsoodi ah ayay ku sameeyaan.?

Dhinaca kalena waxaa iyana magaalo la yirhaado ?lborg oo ku taal dalka Denmark ka dhacday qiso kale oo aan dhaamin tii hore kadib markii haweeney lugu sheegay inay soomaali tahay ay ku kacday fal basaasnimo ah sannadkii hore dabayaqaadiisii, waana ay ii suuragaliweysay inaan helo mageceeda. Haweeneydan ayaa la sheegay in ay u tagtay qolyaha Tv-ga dalkaasi una sheegtay iney heyso war xiiso leh kaddibna ay tustay meel jaaliyad ah ay badi haweenka soomaalida ee deggan magaaladaasi iskugu yimaadaan si ay ugu qaataan waqtiyadooda maalmaha fasaxyada meeshii saas ahayd ayaa noqatay meel raggu iskugu yimaadaan. Ragga soomaalida qaarkood waxaa caado u ah iney meelaha la iskugu tago ay la soo galaan qaadka ama ku iibiyaan iyaga oo aan eegin qatarta kaga imaan karta iyo dh?baatada uu leeyahay qaadku. Meelo badan oo dunida kamid ah waa laga mamanuucay qaadka cunistiisa inkasta oo Denmark uusan ka aheyn mamnuuc.
Hadaba haweeneydan oo u kuuragshay arrinta qaadka ayaa heshay fursad ay horkeeni karto saxaafadda Denmark, waxay sheegtay inuu qaadku ka mid yahay waxyaabaha caadada u ah soomaalida. Waxay kale oo sheegtay in meeshan tahay goob loogu talagay dumarka iyo carruurta laakin waxaa muuqata inaan meeshaba dumar joogin, oo ragga halkan iskugu yimaada ay badi yihiin dad u ja-jaban belwadda sida qaadka, daroogada iyo maandooriyayaasha kale. Xitaa wararku waxay sheegeen iney agacowday mid kamid ah ragga meeshaasi iskugu yimaada iyada oo ku tilmaantay inuu yahay nin iibiya maandooriyaha.?

Dalka Denmark waxaa uu kamid yahay dalalka ay ku dheertahay shisheeya naceybku, saxaafadiisana waxaa uu safka hore kaga jiraa buun-buunita iyo hadalada kutiri kuteenta ah ee had iyo jeer laga fidiyo dadka soo galootiga ah.?

Dalka Sweden oo la jaar ah dalalkaas ayaa isagana waxaa ka dhacday arrin kale oo barbar socota dhacdoyinkii aan kor ku soo xusay, tanise waxaa ku kacay markan wiil soomaali ah oo magaciisu uu aad caan ugu yahay soomaalida dhexdeeda. Wiilkaasi waxaa uu soo xirtay kaamirada qarsoon-sidii ay sameeyeen gabdho ku sheggii ka horeey isaga-. Ninkan ayaa daba-kac ku sameeyey qaabka ay soomaalidu isku keento dalkan, sida dokumenti-yada been abuurka ah iyo dalbasho qof aad u dirto sponser oo kale. Waxaana uu tagay xafiis jara (gooya) tigidhada oo uu leeyahay nin madow ahi isaga oo markaas weydiiyey iney suuragal tahay in tigid loo diri karo qof jooga Afrika. Ninkii madow ee laweyddiiyey su?aashaas ayaa sheegay iney tahay wax caadi ah in tigidh loo diri karo qof jooga meel kale tanina ay tahay mid dhamaan xaruumaha gooya tigidhada ay sameyn karaan aysana aheyn wax isaga si gaar ahaaneed u quseeya. Wiilkan soomaaliyeed waxaa uu caan ka yahay bulshadda soomalida Sweden dhexdeeda.?

Iminka waxaa socota dacwad la xirriirta ninka leh xaruntaas tigidhada oo Tv4-ka dalkan ku tilmaamay nin ku shaqeysta waxyaabaha sharci daradda ah. Halkan luguma soo koobi karro falalka ay baryhaan danbe basaasiinta soomaaliyeed la soo baxeen, waana arrin sharaf darro u ah guud ahaan magaca iyo sumacadda soomalida intaba, balse waxaa isweydiin leh maxaa ku kalifay dadkaan seeftu galka ugu baxsan tahay iney walaalahooda ka sir bixiyaan, iyada oo la ogyahay in ummadda soomaaliyeed ee ku nool qurbaha gaar ahaan reer galbeedka aysan aheyd dadka kaliya ee sheega hadalo been ah ama ku soo gala dalalkaasi waraaqo been abuur ah iwm.? Dhaqaalaha ka soo gala howlahaas basaasnimada ayaan aheyn mid sidaas u buuran oo nafci leh. Waxa kaliya ee la hubaana waa iney ku ciyaareen sharaftooda qof ahaaneed iyo toodii qaranimoba.

Ugu danbeyntii maxaa la gudboon dadka soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ee ay ku habsatay masiibo rabaani ah dagaaladda iyo colaadunu ay u sii dheer tahay? Talaabo ceynkeese ah ayaa la gudboon iney ka qaataan dadka noocan oo kale ah ee bulshadda sharafteedii ku dheelaya?,iyada oo awal qabiilku uu qeyb weyn ka qaatay burburkii ku dhacay Qarankeenii iyo dalkeenii hooyo.

Si falalka xun-xun looga hortago waxaa lagama maarmaan ah in soomaalidu ay isku duubnaadaan ayna dareemaan inay dhibaatada mid ka mid ah taabataa ay iyaga oo dhan saamaynayso. Haddii la helo isku duubnaan si wanaagsan ayaa loola dagaali karaa wax yaalaha xun xun oo dhan.