site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

QARAXYO GEYSTAY DHIMASHO IYO DHAAWAC OO MAANTA KA DHACAY MUQDISHU August 27, 2007

(SomaliNet) Saddex ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyooday, toban kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo ilaa dhowr ah oo maanta ka dhacay Suuqa ugu weyn Muqdishu iyo nawaaxigiisa.

Dadkan ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho si halkaas loogu daweeyo, iyadoo dhaqaatiirta Isbitaalkaasna ay sheegeen in dadka dhaawacyada qaba ee la soo gaasiiyay ay dhaawacyadoodu yihiin kuwo kala duwan.

Dadkan dhaawacmey ayaa waxaa ay yihiin dad rayid ah, iyadoo weeraraduna ay ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsanayey ciidamo ka tirsan booliska DS oo ku sugnaa goobtii ay wax ka dhaceen.

Dadkan dhaawacmey ayaa waxaa durbaba loola cararey goobaha caafimaadka iyadoo dhaawacyadooduna uu isugu jiro kuwo fudud iyo kuwa halis intaba ah.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo is xigxigey ayaa waxa ay dhamaan tooda ahaayeen bam gacmeedyo oo illaa iyo siddeed gaarayey waxaana lagu tuurey ciidamadaasi, iyadoo ay ciidamaduna ku jawaabayeen rasaas xoogan.

Lama soo sheegin wax qasaare ah oo soo gaarey ciidamadii la weerarey iyo kooxihii weerarka geysanayey oo aan la aqoonsan.

Qaraxyadan ayaaa waxa ay qal qal galiyeen howlihii ganacsi ee suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybtani ay qaraxyadu ka dhaceen.

Dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in dadka la gaarsiiyay Isbitaalkaas ee dhaawacyadu ay gaareen ay ahaayeen dhaawacyadooda kuwo culus, balse ay dadaal dheeraad ah sameynayaan, si ay u daweeyaan.