SOMALINET NEWS ...Archives
QARAX MIINO OO DILAY LABA KA TIRSAN KOOXAHA KA SOO HORJEEDA DOWLADA SOOMAALIYA IYO ETHIOPIAN-KA OO DILAY WIIL YAR. August 31, 2007
(SomaliNet) Laba dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha wax iska caabinta ee ka soo horjeeda dowlada KMG ayaa xalay ku dhintay qarax ka dhashay miino ay doonayeen inay dhigaan meel ku dhow saldhiga booliska ee degmada Hodan ee koonfurta caasimada Muqdishu, sida ay maanta sheegeen saraakiisha xaga amaanka iyo dadka deegaanka.
Ku xigeenka afhayeenka booliska Cabdulaahi Cumar ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in saakey hilbaha ragaasi dhintay laga helay aaga qaraxa uu ka dhacay ee doonayeen inay miinada dhigaan.
Laba kale oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa, iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in labadaasi nin ay gacanta u galeen ciidamada booliska.
Ka dib saakey waaberigii ayaa askarta dowlada waxa ay isku gadaameen aaga qaraxa uu ka dhacay si ay u baaraan waxa dhacay.
Waa markii labaad ee taageerayaasha dhaqdhaqaaqii maxaakimta Islaamiga ee laga adkaaday ay ku waayeen dagaalyahano qaraxyo bambaano oo la ay damacsanaayeen inay ku weeraraan dowlada.
Waxa ay aheyd horaantii sanadkan markii afar ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ay ku qur-baxeen qarax ka dhashay waxyaabaha qarxa oo ay saarteen gaarigii ay wateen meel ku dhow garoonka kubada cagta ee Stadium Mogadishu.
Dhinaca kale, ciidamada Ethiopia ee jooga Muqdishu ayaa toogasho ku dilay wiil yar oo dhow iyo toban jir ah koonfurta Muqdishu,sida dad goob joogayaal ah ay u sheegeen Somalinet.
Ma cadda ilaa hadda sababta wiilkaasi yar loo dilay laakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya in wiilkaasi oo 16 jir ah uu marayey meel ku dhow goob ay joogeen ciidamada Ethiopia oo ay u eg tahay in ay ka shakiyeen.