site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

FARIISIMADA DOWLADA OO MAR KALE LA WEERARAY, WADADA WARSHADAHA OO XIRAN MAALINTII SADDEXAAD. September 2, 2007

(SomaliNet) Iyadoo caasimada Soomaaliya ee Muqdishu ay ka sii socdaan weerarada wax iskacaabin ee dhaca habeenkii ayaa kooxaha mintidiinta ee lagu xiriirsho inay ka tirsan yihiin maxaakimtii la adkaaday waxa ay xalay saqdii dhex weeraro gaadmo ah ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowlada KMG ay ku leeyihiin dhinaca koonfur galbeed ee Muqdishu, sida ay uu sheegay sarkaal xaga amaanka ah.

General Cabdiwaaxid Maxamed Xuseen, afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa u sheegay Somalinet saakey in ciidamada ay iska-caabiyeen koox hubeysan oo weerar ku soo qaaday fariisimadooda ay ku leeyihiin warshadii hore ee tolmada iyo warshadii hore ee caanaha.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen qaraxyo xoogan oo ah hubka mdaafiicda, baasuukayaal iyo bambaanooyinka gacanta iyo qoryaha daran dooriga u dhaca.

“run ahaantii aad baan u baqnay markii dagaalka uu bilowday, waxa aynu ka cabnayno waxa weeye in rasaasta habowga ay guriyaheena ku soo dhacdo,” ayuu yiri Cabdi Xuseen oo ah aabe dhalay saddex caruur ah.

Xaafada xalay dagaalka uu dhacay ayaa mar hore la cidleeyey ayuh hadalkiisa ku daray sababo al xiriira iska horimaadyada joogtada. “waxaan ka mid ahay dadka naadirka ee ku haray halkan,”

General Maxamed waxa uu sheegay in askarta ay isku gadaameen aaga xalay iska horimaadka uu ka dhacay, waxa ayna wadaan baaritaano ay ku doonayaan inay ku soo qabtaan kuwii weerarka ka dambeeyey.

“Sida aan xogta ku helayo, dowlada askarteeda ayaa dabal gal ku haya kuwii weerarka ka mas’uulka ahaa,” ayuu hadalkiisa intaa ku daray.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weeraradii xalay.

Dhinaca kale ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaalida ayaa maalintii saddex waxa ay gaadiidka dadweynha iyo iyo midka gaarka loo leeyahay u diideen inay isticmaalaan wadada warshadaha ee Muqdishu maalintii saddexaad halkaasoo ay marar badan kala kulmeen weeraro bambaanooyinka dhulka lagu aaso.

Iyadoo taasi ay jirto ayaa gaadiidka dadweynaha ee PL-ka waxa ay isticmaalayaan wadooyinka xaafadaha, waxaana laba laab sare u kacay qiimaha gaariga lagu raacayey oo gaaray afar kun oo shilinka Soomaaliga.

Xirnaanta wadada ayaa saameyn xoogan ku yeelatay xaga dhaqdhaqaaqa ganacsiga degmooyinka Huriwaa iyo Yaqshiid ee waqooyiga caasimada.

Isku socodka gaadiidka iyo dadkaba ee gudaha Muqdishu ayaa adkaaday ilaa markii ay bilowdeen howlgalada burburinta laba bil ka hor.