site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

MADAXDA XAGA AMAANKA EE MUQDISHU OO BAARLAMAANKA LOOGA YEERAY SI LOOLA XISAABTAMO September 2, 2007

(SomaliNet) Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo oo 250km dhinaca waqooyi galbeedka kaga toosan caasimada Muqdishu ayaa maanta codsaday in baarlamaanka la hor keeno duqa magaalada Muqdishu Maxamed Cumar Xabeeb ‘Maxamed Dheere’ taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Qeybdiid iyo taliyaha nabada sugida Maxamed Darwiish si su’aalo loo weydiiyo.

Ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in mas’uuliyiintaasi wax laga weydiin doono arrimo la xiriira howsha ay u hayaan dowlada.

Laakiin ilo ku dhow dhow baarlamaanka ayaa sheegaya in saddexda nin laga xisaabin doono dembiyo ay galeen intii lagu guda jiray saddexdii bilood ee dalka uu ku hoos jiray sharciga amarka deg dega.

Baaqa ayaa qeyb ka ah dadaalka baarlamaanka uu kula xisaabtamayo hay’adaha shaqeeya ee dowlada federaalka.

Baarlamaanka ma uusan sheegin waqtiga mas’uuliyiinta la hor keenayo masraxa.

Waa markii ugu horeysay oo saddexdan nin ee jiliyaasha ka ah Muqdishu looga yeero baarlamaanka Baydhabo si loo xisaabiyo.