SOMALINET NEWS ...Archives
GANACSIGA BAKAARAHA OO MAALINTII 2AAD XANIBAN IYADOO RABSHADAHANA AY SII KORDHAYAAN. September 6, 2007
(SomaliNet) Kooxaha wax iskacaabinta ee aan is muujin ayaa xalay weerar gaadmo ah kuq aaday fariisin ay ciidamada dowlada KMG ka sameysteen wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha – iyadoo saakeyna laba qof ay ku dhinteen shan kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay meel ku dhow Bakaaraha, sida ay sheegeen goob joogayaal.
Goobaha ganacsiga ayaa xirnaa maalintii labaad oo xiriir ah oo ay socdaan howlgalo amaanka lagu sugayo oo ay wadaan ciidamada dowlada si ay u ugaarsadaan kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda.
Kooxaha mintidiinta ayaa baasukayaal iyo bambaanooyin ku tuuray fariisinka ciidamada dowlada xalaya abaarahii 10-kii habeenimo iyo 10 daqiiqo, halkaasoo askarta dowlada ay ku jawaabeen qoriga lidka diyaaradaha iyo qoryaha kale ee daran-dooriga u dhaca.
“Aad baan u argagaxnay markii xabadu shanqartay,” ayuu yiri Maxamed Xaaji oo ah aabe dhalay sideed caruura oo ku nool meel ku dhow saldhiga la soo weeraray. “hadii askarta ay sii wadaan joogitaankooda Bakaaraha, dhibaatada way sii kordhaysaa,”
Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdi Waaxid Maxamed Xuseen ayaa beeniyey wararka warbaahinta ee ku saabsan rabshadaha xalay dhacay, isagoo sheegay in magaalada ay deganeyd oo aanay waxba dhicin 12-kii saac ee la soo dhaafay.
Maxamed waxa uu sheegay in howlagalada Suuqa Bakaaraha ay sii socon doonaan ilaa inta buu yiri amaanka laga soo celinayo, loogana hortagayo dilalka qorsheysan.
Rabshadahan ugu dambeeyey ee Bakaaraha ayaa yimid iyadoo kooxaha mucaaradka lagu wado in maanta ay shir ku yeeshaan magaalad Asmara ee xarunta dalka Eritrea.
Kulankaasi ayaa waxaa soo abaabulay hogaamiyayaasha maxaakimtii Islaamiga iyo xubnaha baarlamanka laga eryey ee la baxay ‘baarlamaanka xorta’.
Shirka Asmara waxaa looga gol leeyahay in lagu soo dhiso nidaam la sheegay in dalka looga xoreenayo gumeysiga Ethiopia, laguna rido dowlada hadda jirta.
Meelo kale, laba qof oo mida ay haweeneyd aheyd ayaa ku dhinaty, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax bambaano oo saakey ka dhacay isgoyska Baar-Ubax. Waxa uu ahaa weerar lala dan lahaa askarta dowlada oo halkaasi ku sugnaa.
Arbacadii shalay aheydna, dagaalkii dhexmaray ciidamada dowlada iyo kooxaha muqaawamada ayaa sababay dhimashada sagaal ruux oo rayid u badnaa, dhaawac soo gaaray 35 kale, sida ay sheegeen ilo xaga caafimaadka ah.
Go’doominta labaad ee suuqa Bakaaraha, oo ah goobta ganacsi ee ugu weyn koonfurta Soomaaliya, ayaa saameyn xun ku yeelatay dhaqdhaqaaqa beecsharada.
Ciidamada ayaa xiray dhamaan wadooyinka soo gala ama ka baxa suuqa, taasoo qeyb ka ah burburinta ka dhanka ah waxa dowlada ay ugu yeerto kooxaha argagixisada’.
“Askarta meel kasta ayaa joogaan, waxayna rasaas isaga ridayaan dadka rayidka,” ayuu yiri Cumar Fareey oo ah ganacsade deegaanka.
Cabdulahi Bariise, ku xigeenka taliyaha booliska ayaa sheegay in howlgalada dhaqso la soo afjari doono oo ganacsiga uu dib u furmi doono marka amaanka la xaqiijiyo, waan ogahaya buu yiri in ganacsiga uu muhiim u yahay nolosha dadka laakiin waxa sababay xayiraada waxa ay tahay sidii looga hortagi lahaa kuwa wax carqaladeeya ee ku dhex wareega suuqa.