SOMALINET NEWS ...Archives
DOWLADA OO LA XAAJOONAYSA MAS’UUL SARE OO KA TIRSANAA MAXAAKIMTA ISLAAMIGA September 7, 2007
(SomaliNet) Ra’iisal wasaaraha Somaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa shalay si lama filaan waxa uu ku gaaray caasimada dalka Jabuuti ee Jabuuti, halkaasoo wadahadal qarsoodi ah uu kula yeeshay mas’uul ka tirsanaa maxaakimta Islaamiga ee laga adkaaday, sida ay maanta soo daabacday jariirada afka carabiga ku soo baxda ee Sharqal Awast ee fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Jariirada waxa ay sheegtay in ay soo ogaatay in booqashada Geeddi ay yimid ka dib markii warqad uu ka helay Abuukar Cumar Cadaan oo horey uga tirsanaa mas’uuliyiinta maxaakimta Islaamiga, warqadaasi oo ugu yeertay ra’iisal wasaare Geeddi in ay ku kulmaan Jabuuti oo uu dhexdhexaadiyo madaxweynaha dalkaaasi Ismaaciil Cumar Geelle.
Geeddi ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinaya wasiirkiisa arrimaha dibada Xuseen Ceelaabe Faahiye si ay uga dhaadhaaciyaan Xaaji Abuukar Cumar Cadaani oo maxaakimta ka taageeri jiray xaga dhaqaalaha inuu dib ugu soo laabto Muqdishu si uu uga qeyb galo wareega labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida oo kiisa koowaad la soo afjaray todobaadkii hore, iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa kulanka Jabuuti ka dib waxaa jariirada ay sheegtay inuu u sii gudbi doono magaalada Roma ee caasimada dalak Talyaaniga halkaasoo la sheegay inuu kaga qeyb galayo kulan ay maalinta Isniinta ay isugu imaanayaan kooxda xiriirka caalamiga ee arrimaha Somalia.
Dowlada KMG ayaa la sheegay in kulankaasi ay ka fili doonto in ay ka soo baxaan natijooyin wax ku ool ah, iyadoo isla markaana ay ka dalban doonto kulanka sidii loo soo dedejin lahaa ciidamada Afrikaanka ee la balan qaaday.
Waxaa kale oo jariirada Sharqal Awsat ay sheegtay in wasiirka arrimaha dibada Xuseen Ceelaabe Faahiye uu ku cadaadin doono beesha caalamka in ay bixiyaan dhaqaalaha ku baxaya ciidamadaasi la qorsheeyey in ay imaadaan Somalia si ay gacan u siiyaan dowlada KMG ayna uga qeyb qaataan howlaha looga shaqeenayo nabada Somalia.
Dhinaca kale, madaxweynaha dowlada KMG ah ee Somalia ayaa ku sii jeeda dalka Ethiopia, ka dib markii martiqaad uu ka helay Madaxda dalkaaasi.
Sida ay qortay jariirada Sharqal Awsat, madaxweynaha Somalia Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa todobaadka soo socda u amabixi doono magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia ka dib markii martiqaat rasmi ah uu ka helay ra’iisal wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa la sheegay inuu ka qeyb geli doono xaflado lagu maamuusayo taariikhda dalka Ethiopia oo kun sano ay hadda u xirantay, kuwaasoo ka dhacaya Addis Ababa , iyadoo ra’iisal wasaare Zenawi uu sidoo kale u yeeray hogaamiyayaasha ilaa sagaal dal oo Afrikaan ah oo iyana la marti qaaday Madaxda ka qeyb galaysa fantisiyaha kun guurada Etghiopia ayaa waxa ka mida madaxweynayaasha wadamada Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Sudan, Tanzania, Burundi, Rwanda, Uganda iyo Ghana.
Sidoo kale waxaa xafladaasu lagu martiqaaday madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas ‘Abu-Mazin’ iyo madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.
Isha Warka: Sharqal Awsat (London)