SOMALINET NEWS ...Archives
DAGAAL QABIIL OO DAD AY KU DHINTEEN OO KA DHACAY BARTAMAHA SOOMAALIYA September 11, 2007
(SomaliNet) Afar ruux ayaa ku geeriyootay shan kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray dagaal soo cusboonaaday oo ka dhacay aaga u dhaxeeya gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ee Bartamaha Somalia.
Xiisadahaan Dagaal oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa waxa ay ka jiraan tuulooyinka Ceeldheere iyo Xaawo Gadiid ee gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan, iyadoo saakay iska horimaadyo labada dhinac ku dhex maray ay sababeen dhimashada 4 ruux iyo dhaawaca 5 kale.
Dagaalkan ayaa salka ku haya aano qabiil iyo muran ku aadan lahaansho dhuleed, iyadoo uu marar badan uu soo laabtay dagaalkan.
Odayaal iyo waxgarad ka kala tirsan labada dhinac ee ishaya ayaa waxa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in lagu damiyo xiisadda.