SOMALINET NEWS ...Archives
WEERAR GAADMO AH OO LAGU DILAY SHAN ASKARI, LAGUNA QABSADAY HUB BADAN September 13, 2007
(SomaliNet) 5 ka mid ah ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia ayaa ku geeriyooday dagaal culus oo galabt ka dhacay caasimadda Somalia ee muqdisho gaar ahaan Inta u dhaxeysa SOS iyo Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa, sida ay sheegeen dadka deegaanka ah xilli ay sii kordhayaan rabshadaha ka jira caasimadda.
Dagaalkaan ayaa yimid ka dib markii kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin agagaarka Isbitalkii SOS sida uu Shabelle u sheegay Cabdi Salaan oo ka mid ah dadka deegaanka.
Cabdi Salaan ayaa intaasi ku daray in gaari dagaal looga qabsaday dagaalkaasi ciidamada dowladda.
Ma jiro wali war ku aadan qasaaro soo gaaray dadka rayidka ah iyo kooxihii weerarka soo qaaday intaba.
Askarta geeriyootay ayaa sida la sheegay waxaa qabsaday baasuuke lagu soo tuuray.
Xaaladda ayaa iminka dagan, iyadoo kooxihii weerarka soo qaaday ay ka tageen halkaasi.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda KMG ah ee Somalia oo ku aadan arintaan.