SOMALINET NEWS ...Archives
QADKII CAGAARNAA EE KA JIRAY DEGAMADA WADAJIR OO MAANTA LA QAADAY April 22, 2005
(Mogadishu) Qadkaan oo u dhaxeeyay taageerayaasha ka kala amar qaata wasiirada gacancsiga iyo awqaafta iyo arimaha diinta,muuse suudi yalaxoow iyo cumar finish ayaa waxaa uu soo taxnaa muddo seddax sanno ah
Waxaa maanta la arkayay dadka reer Madiino oo si niyad furnaan iyo kalsooni ah u kal gooshaya goobihii kala caaganaa ee cabsidu ay ka jirtay,ka hor inta aysan dadweynuhu isaga gudbin qadadkii kala xirnaa,waxaa bilaabay isu socodka dableeydii halkaas ka dagaalami jiray ee labada dhinac,iyagoo is marxabeysiinayay oo midba midka kale uu xabadka xabadka u saarayay.
Sidoo kale waxaa la arkayay Odayaasha Dhaqanka ee labada dhinac oo iyaguna qeybtooda ka qaadanaya furitaanka qadkaasi,iyadoo dadweynaha ku dhaqan halkaasi ay ka daba luxayeen caleemo qoyan,waxaana goobtaasi ka muuqatay farxadda ay u hayaan talaabadaas horay loo qaaday.
Axmad Maxamad Culusoow oo aan maanta goobtaas kula sheekeeystay ayaa ii xaqiijiyay niyadda ay u hayaan talaabada maanta ay qaadeen dadka degaanka madiina taasoo sida uu ii sheegay qeyb ka ah dadaalka nabadeed ee lagu doonayo nabadda iyo amaanka muqdisho,si aysan u seegin magaceedii caasimadeed
Degmada Madiina ayaa culeeys xoog leh oo dhinaca nolosha dadweynaha uu heystay tan iyo markii uu biloowday qadkan cagaaran waxaana laga yaabaa iney tusaale u noqo hanaanka nabadda ee laga fuliyay goobtaas guudahaan G/Banaadir