SOMALINET NEWS ...Archives
KULAN ALBAABADU U XIRAN YIHIIN OO KA DHACAY DEGMADA XUDDUR EE G/BAKOOL April 22, 2005
(Mogadishu) Kulankaan oo ay ka qaybgaleen Wasiirka Garsoorka Sheekh Aaden Madoobe iyo Gudiggii xaldoonka ahaa ee maalmahan ku sugnaa gobolada Bay iyo Bakool oo ahaa mid saxaafada loo diiday ayaa hadana qaar ka mida xubaha kulankaasi ka qeyb gelaya oo diiday shaacinta magacooda waxay sheegeen in kulankan looga hadlayo arimaha la xiriira dhexdhexaadinta iyo nabadeeynta garabyada RRAda ee dirirtu dhexmartay.
Kulankaan ayaa sida wararku sheegayaan waxaa uu hordhac u yahay kulan balaaran oo lagu ballansanyahay maalinta berri ah,kaa soo ay ka qeyb qaadanayaan dhamaan garabyada RRAda oo ay kala hogaamiyaan Xaabsade,Shiiq Aadan Madoobe, Shaatiguduud,Kiishbuur,iyo xubno kale oo ka mid ah labada gole ee dowladda federaalka KMG Soomaaliya.
Sida ay ku waramayaan dadka deegaanada Bay iyo Bakool, kulankaan ayaa haddii uu sida loo qorsheeyay u qabsoomo waxaa laga fili karaa isu soo dhawaasho iyo is faham dhexmara garabyada RRAda ee ku kala duwanaa aragtida ku aadan soo qorshayaasha dowladda federaalka
Tan iyo markii ay bilawdeen dadaalada nabadeeynta goboladaas waxaa jiray isku dayo in la isugu keeno mas`uuliyiinta sarsare ee RRAda oo sidii loo qorsheeyay aan u qabsoomin taasoo loo aaneynayay in xubno kamida mas`uuliyiintaas ay xagal daacinayaan dadaalada nabadda ee ay wadeen gudigga xaldoonka.
Hassan dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia