site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

GABAY JACBUR: JABHADUHU INTEEY NOO KACEEN April 22, 2005

Jabhaduhu inteey noo kaceen, waa abaar baxaye

Weligeey anoon beer laheyn, iyo saran jiifto

Baabuurna anigoon korin, BL mooyaane

Jabhaduhu sow xaqii maqnaa, sow ma soo dhicin

Anna sow barwaqiyo, nimcadaa kuma dhex daanshoonin

Daarahan ijaartaa ka badan dhowr iyo toban guriye

Qaar kale anigaa degoo, waan ku noolahaye

Baabuurtaan xoreystana, waa intoo kale`e

Foorwiil dareyf, iyo hadaan xaajiyaba heysto

Oo aan midkaan doonaba kori, maalin iyo leylba

Maxaa iiga jira kii lahaa, sow kamaan ceyrsan

Afartaas sidii jiib la riday, mow karaarsiiyay

Hoobiye sidiisii, samada mowga soo daadshay

Adigoon digtooneyn, durbaba liif ma kugu gaaday

Geesinnimada waa leygu dhalee, durbaba boor ma kaa kiciyey

Afar kalana saad baan kaaga dhigi, iyo rasaastiisiiye

Beel hubeysan nimaan ka dhalan waa qiyaarkiise

Kol hadaanu zuu heleyn, iyo qori kalaashkofa

Beero muusa inuu sii tacbadaa wow dabaalnima `e

Waa inuu ka guuraa, illeyn looga xoog badane

Waxse iiga yaab badan, adduun beriba waa ceyne

Kuwa dowladnimo raadin, ee nabadda doondooni

Ee raba iney qaran dhisaan iyo waxa aan diidnay

I yagaa is daalin mindhaa libin ma gaaraane

Dowladi middaan soo marniyo, dulligii sow maahan

Sow kala danbeeyntiyo, sharciga tii laheyd maahan

Ruux aad ka xoog badantahoo, xoolo badan heysta

Sow taad ka baqeysay, eed taaban Karin maaha

Dowladi haddi ay wax tari, waa la soo maraye

Dagaal laguma ceeyrsheen, haddii ay dux leedahaye

Xabsigeedii iyo boliskiyo, dowladihii hoose

Taraafikadii yaaceysiyo ciidamadii sirdoonka

Ilaaheey hadduu naga dul weday, guulna aan gaarnay

Ninka haatan soocelin rabaa, leeysku heystaaye

Inta aan xabaal lagu ‘juq’siin, muu iska joogo

Gabaygaan jacburka ah waxaa tiriyay

Abuukar salad diiriye "fareey"

asfarey@hotmail.com

muqdisho Somalia