site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

HAWEEN IYO CARUUR KU XIRNAA XABSIYADA SUCUUDIGA OO SOO GAARAY MUQDISHO April 22, 2005

Haweenkan iyo caruurtan oo ay dowladda sucuudigu soo tarxiishay ayaa tiradoodu gaareysaa Sideetan ruux,kuwaasi oo dhamaantood faramaran islamarkaasina ay ka muuqaato diif xooggan.

Dadkan ayaa waxaa ka mid ah qaar aan laheyn dhimir kadib markii si xun loogu garaacay xabsiyada Sucuudiga sida ay sheegtay Abshiro Cali Geni oo ka mid ah dadkaasi waxayna intaa ku dartay in jiifka ay ku seexan jireen baakado islamarkaasina Waxay tilmaantay in raashinka ku filan aysan helin,waxayna sidoo kale sheegtay in raashinka qofba kan uu ka xoog weynyahay uu ka qaato gudaha xabsiyada Sucuudiga

Soomalida u baqoosha sucuudiga ayaa inta badan halkaasi u xoogsi tagta,waxaase xusid mudan in qaar kale oo soomali ah,kana taga dalka iyo dibadahaba ay sucuudiga u tagaan gudashada waajibaadka diiniga ah sida xajka iyo cumrada.

Cabashadan ay sheegayaan dadka maanta soo gaaray muqdisho ee tarxiilka ah ayaa ku soo beegantay xilli quluubta shacabka soomaaliyeed ay weli ka sii guuxeyso gowracii aan loo meel dayin ee dhowaan lix dhalinyaro soomaliyeed ah loogu geystay wadanka boqortooyada Sucuudi Areebiya,kaasi oo ay cambaareeyeen hay`adaha xuquuqul insaanka u dooda ee jooga gudaha iyo kuwa caalamiga ahba.

Hasan dhaaleey

Dheel10@hotmail.com

SomaliNet Office

Mogadishu Somalia