site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

GUDIGA CAALAMKA OO DOWLADDA IYO BAARLAMAANKA SOOMAALIYA TALO U DIRAY April 22, 2005

Hadalkan oo lagu xusay waraaq ka soo baxday xafiiska Q/Midoobay u qaabilsan arimaha siyaasadda soomaaliya, ayaa lagu caddeeyay in xubnaha sar sare ee dowladda federaalka soomaliya ay dib isugu yimaadan xarunta Kenya ee magaalada Nairobi halkaa soo indhowaalaba xarun ku meel gaar ah u aheyd dowladda federaalka KMG Si loo xaliyo farqiga u dhaxeeya islamarahaantaana looga wada hadlo.

Qoraalkan ayaa sidoo kale tilmaamay in beesha caalamka ay weli diyaar u tahay inay kaalin ka qaadato guulaha shirka dib u heshiisiinta oo haatan xukuumadi ku dhisan

tahay.

Dhinaca kale xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ah Afhayeenka labada gole ee ku sugan muqdisho ayaa sheegay ineysan hadda u muuqan sabab macquul ah oo loogu laabto Nairobi, waayo buu yiri, waxaan ku jirnaa howl baaxad weyn oo qeyb ka ah howlaha horyaala dowladda taasoo ah xasilinta magaalada Muqdisho, isagoo intaa ku sii daray in arinta ku saabsan dib ugu noqoshada Nairobi ay u taalo xubnaha labada gole ee sugan muqdisho, go`aan ka gaaristeedana ay iyagu leeyihiin.

Hasan Dhaaleey

dheel10@hotmail.com

somalinet office

mogadishu somalia