SOMALINET NEWS ...Archives
MAGACYADA SOOMAALI SAARNEYD DOON KU SOO CAARISAY XEEBTA LIIBIYA April 22, 2005
Wararka ka imaanaya waddanka liibiya ayaa sheegaya in doon ay saaraayeen dad gaaraya ilaa 27 ruux ay ku soo caarisay xeebaha wadankaasi
Dadkaan oo u badan Ethiopian iyo Suudaan ayaa waxaa ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan liibiya ay sheegayaan inay ku jiraan afar soomaali ah ah, kuwaasi oo hayaan u ahaa wadamada yurub Magacyada soomalida la sheegay inay doontaasi ku dhinteen ayaa kala ah:
Axmad muuse nuur gaaljecel
Axmad cumar ibraahim (qaanfuur) gaaljecel
Cabdi fitaax baadi cadde
Xuseen lamahayo magaca waalidkii oromo soomaliya ku dhashay
Dadkaan ayaa wararku sheegayaan in lagu qalday doon aan wanaagsaney Waxaana weli halkaasi ku sugan soomali badan oo tahriib doon ah Wixii war ah oo soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa
Hassan Dhaaleey
dheel10@hotmail.com
Mogadishu somalia