site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

XUBNAHA LABADA GOLE EE KU SUGAN MUQDISHO OO LA KULMAY SARAAKIISHA CIIDAMADA April 23, 2005

(Mogadishu) Kulankan ayaa ka dhacay xarunta baarlamanka oo ah xaruntii xisbiga ee magaalada muqdisho,waxaana looga wada hadlay sida ugu fudud ee loo abuuri karo ciidamo tayeysan oo ka qeyb qaadankara howlaha la xiriira amaanka G/Banaadir.

Kulankii maanta oo ay ka qeyb qaateen shan iyo labaatan xubnood oo labada gole ka tirsan iyo saraakiisha ciidamada ayaa ah mid laagu gogol xaarayo nabad ku soo dabbaalida muqdisho oo maalmahanba lagu howlanaa sida uu saxaafada u sheegay xildhibaan cali baashi xaaji maxamad isagoo intaa raaciyay in waqtigu uu foodda ku soo hayo sidaasi daraadeedna ay dardar gelinayaan.

Shirkii maanta ayaa lagu magcaabay 13 xubnood oo ka tirsan saraakiisha ciidamada kuwaasi oo ka shaqeyn doona nidaaminta howlgalada dhowaan lagu wado in muqdisho laga fuliyo iyo sidii maleeshiyooyinka dibada loogu saari lahaa islamarkaasina hubka dhigis loogu sameyn lahaa.

Saraakiishan waxyaabaha kale ee loo xilsaaray waxaa ka mid ah inay ka soo baaraan degaan qaabkii jidgooyooyinka yaala gudaha magaalada iyo wadooyinka soo galaba loo qaadi lahaa iyo sidii loo howl gelin lahaa stationada booliiska ee degmooyinka G/Banaadir

Xubnaha saraakiisha ee loo magcaabay howshaas waxaa ka mid ah:

G/sare maxamuud kaahiye barre

G/sare maxamad c/dulle axmad

G/sare faarax c/dulle gacal

G/sare siciid salad cilmi

G/sare maxamas maxamuud saney

G/sare c/laahi maxamad shiiq xasan

G/sare isaaq c/dulle nuur

G/dhexe maxamad xasan maxamuud

G/dhexe cartan cali warsame

G/dhexe cali maxamad

Iyo qaar kale oo aan la shaacin,waxaana dadka muqdisho ay sheegayaan in ciidamadu ay waxweyn ka qaban karaan haddii loo daayo howlaha amaanka bacdamaa ay aqoon u leeyihiin howlaha la xiriira amaanka isla markaasna ay heystaan waayo aragnimo dheer oo dabooli karta nabad aslaaxinta

hasan dhaaleey

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia