SOMALINET NEWS ...Archives
CIIDAMADA NABADGALYADA OO KA HOWL GALAYA GOOBAHA CAAFIMAADKA XAMAR April 23, 2005
<|afrinb.jpg||left|>(Mogadishu) C/laahi Xasan ganey Firimbi oo ah guddoomiyaha G/banaadir ayaa maanta shaaciyay in goobaha u horeeya ee ay ka howlgelayaan ciidamada ay diyaarinayaan labada gole ee ku sugan Muqdisho ay noqonayaan goobaha Caafimaadka.
Firinbi ayaa sheegay in goobaha caafimaadku ay yihiin halbowlaha umadkasta oo meel deggan,lama huraana ay u yihiin nolosha,waxayna mudan yihiin buu yiri,in la adkeeyo amaankooda,wuxuuna intaa ku daray in arintan ay isla soo qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan xilligii uu booqanayay Muqdisho
Arintan oo u muuqata talo soo jeedin ayaa firinbi sheegay in labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ay dhowaan go`aan ka soo saarayaan ku aaddan sidii ciidamo amaanka suga loo geyn lahaa goobaha caafimaadka.
Hase ahaatee gudoomiyaha G/banaadir C/laahi xasan ganey Firinbi ayaan sheegin nooca ciidamada ka howlgelaya goobaha caafimaadka
Horay ayuu u shaaciyay duqa magaalada muqdisho in dhowaan ay magaalada ka howl geli doonaan ciidamo amaanka sugaya oo ku hubeysan ilaa afartameeyo gawaarida dagaalka ah,waxayna u muuqataa in hadalka firinbi uu kaabayo kii duqa magaalada.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu maanta booqday tuulada caruurta SOS oo maalin dhoweyd lagu weeraray bam gacmeed,kaa soo dhaawacyo ay ka soo gaareen sedax ka mida howlwadeenada oo ay ku jirto haweeney sooro ah oo u dhalatay talyaaniga.
hasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia