SOMALINET NEWS ...Archives
XAABSADE OO ISBAAROOYINKII KA QAADAY WADADA BAARDHEERE April 23, 2005
Ciidamadan oo ku hubeeysan gaadiidka dagaalka ayaa saakay waaberigii qaaday howlgal balaaran oo ay ku nadiifinayaan isbaarooyinka yaala wadada baydhabo uga timaada dhinaca baardheere ee gobolka gedo
Howlgalkan ayaa lagu qaaday ilaa toban isbaaro,kuwaasi oo sida la sheegay dhib weyn ku hayay gaadiidka iyo dadka socotada ah ee wadadaas isticmaala,warka ayaa intaa ku daraya in mudadii uu socnayay howlgalkaasi aaney cidina wax ku noqonin.
Amarkan howlgalkaan ayaa waxaa bixiyay sida ilo xogogaal ah ay ku waramayaan xildhibaan maxamad ibraahin xaabsade oo isagu gacanta ku haya magaalada baydhabo tan iyo shan iyo labaatankii bishii aanu soo dhaafnay markaa soo ay ku dagaalameen maleeshiyooyin isaga taageersan iyo kuwa shaarguduud,kaasioo keenay in magaalada laga saaro maleeshiyooyinkii taageersabnaa col,shaarguduud.
Howlgalkii maanta ayaa waxaa uu daba joogaa mid la mid ahaa oo shalay isla maleeshiyada xaabsade ay ku sifeeyeen wadada u dhaxeysa baydhabo iyo buurhakaba oo ay yaaleen in ka badan 30jidgooyo.
Dhinaca kale wasiirka gaadiidka circa iyo dhulka ee dowladda federaalka ibraahin kiishbur oo ku sugan xuddur ayaa ku tilmaamay howlgaladaas kuwo iska horkeenaya shacabka gobolkaas.
Si kastaba ha ahaatee shacabka ku dhaqan magaalada baydhabo ayaa si weyn u soo dhoweeyay tilaabooyinkan lagu nadiifinayo wadooyinka soo gala
Hasan dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu somalia