site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

SHIR JARAA'ID KA DHACAY XERADII XAMAL OO LA ISKU HAYSTEY April 24, 2005

(Mogadishu) Shirkaan jaraa`id ayaa yimid markii shalay ay saxaafada la hadleen laba kamida Caruurta shiikh Maxamad Faarax kuwaasi oo sheegay in ay iyagu leeyihiin Milkiyadda xerta oo ku fadhiya Dhul aad u ballaaran isla markaasina ay dagaal qaadayaan haddii aan lagu soo wareejin Dhulkooda sida ay sheegteen.

Shirkii Jaraa`id ee maanta oo uu qabtay Axmad Shuqul sheekh Aadan Dheere ayaa saxaafada u soo bandhigay Document muujinaya lahaanshaha iyo milkiyadda dhulkaas waxaana sida Documentiga ku xusneyd dhulkaasi la bixiyay sanadkii 1968dii iyadoo uu ku sixiixnaa Yaasiin Xaaji Ismaaciil oo xiligaa ahaa duqa magaalada, waxaa kale oo halkaasi lagu soo bandhigay Document uu ku saxiixnaa Xasan Abshir Faarax, kaasi oo ahaa sanadkii 1974tii xiligaasoo Xasan Abshir uu ahaa duqa magaalada Muqdisho

Axmad Shuqul ayaa kulankii maanta saxaafaddu la yeelatay ku sheegay in dhowr jeer oo hore ay u fidiyeen gogol ilmaha Sheekh Maxamad faarax laakiin ay diideen, waxaanu siinay buu yiri dhul Beereed iyo Boosas ku yaala xamar, taasina wey diideen buu sii raaciyay

Sidoo kale Axmad Shuqul ayaa sheegay in la kala saaro Dariiqada iyo Milkiyadda waxaa uu yiri dhamaanteen waxaan nahay Dariiqo, hase ahaatee waxaa uu intaa raaciyay inaan dariiqo is dhaxlin oo uu leeyahay nin waliba wixii uu aabihii ka dhaxlay.

Shuqul ayaa kulankii maanta ay saxaafadu la yeelatay waxaa uu ku soo wareejiyay goob lagu soo tuuray bambooyin oo uu sheegay inay mas`uul ka ahaayeen warasada Sheekh Maxamad faarax weerar goor habeen ah ay ku soo qaadeen xarunta xerta, Shuqul oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal iyo wada xaajood inuu la yeesho kuwa uu ku sheegay inay is hayaan.

Dhismaha xerta oo ah mid aad u balaaran ayaa waxaa ay ka kooban tahay 167 qol, seddax dugsi quraan, masaajid ka sameysansan dhagax, laba ceel biyood oo matooro ay saran yihiin, idaacad FM ah, oo sida qaalibkaa laga soo daayo xadradda Sufiyada ee qaaddiriyada, iyo goobo lagu dabiibo dadka waalan, dhismaha xerta ayaa waxaa uu dhacaa bartamaha magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wardhiigley Agagaarka Geed jaceyl.

Dagaalka iyo is maandhaafka kasoo cusboonaaday xertaas ayaa waxaa ka biyo diiddan dadka Oodwadaagta la ah xerta, waxayna sheegeen inaysan u dulqaadan doonin dagaal halkaas ka dhaca mar kale.

Si kastaba ha ahaatee xaaladda nabadgelyada ee xarunta xerta ayaa aheyd mid deggan maalmihii la soo dhaafey.

xasan dhaaleey

dheel10@hotmail.com

mogadhisho somalia