SOMALINET NEWS ...Archives
HORJOOGAYAASHA MALEESHOOYIN IYO SARAAKIIL LAGU DHAARIYEY XAMAR April 24, 2005
(Mogadishu) Dhaartan oo ka dhacday xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa xubnahan lagu hordhaariyay xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan hortooda, waxaana xubnahan la dhaariyay loo xilsaaray wax ka qabashada amaanka G/Banaadir.
Munaasabadii lagu dhaarinayay xubnahaas oo gaarayay ilaa 33 xubnood oo 22 ka mida ay ahaayeen Horjoogayaasha maleeshiyaadka Muqdisho halka 11 kalana ay ka socdeen ciidamada Booliska iyo Milateriga kuwaasi oo la doonayo inay tababar siiyaan maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan G/Banaadir.
Munaasabadii dhaarta maanta oo uu ka soo qeyb galay Jeneraal Galaal ayaa waxaa sheegay in ciidamada weligood la dhaarin jiray gaar ahaan xiliga ay soo gelayaan ciidamada iyo marka ay u dalacaan heer Sarkaalnimo si dalkooda iyo dadkooda ay ugu adeegaan si daacadnimo ah, Galaal ayaa ku booriyay maleeshiyaadka inay soo celiyaan sharaftii iyo karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka Soomaliyeed taasoo uu sheegay inay beylah aheyd muddo rubac qarni ah.
Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxoow oo goobtaa ka hadlay ayaa ku nuuxnuxsaday in maanta iyo wixii ka danbeeya aysan indhaha ka qarsan doonin kuwa caadeystay dhaca iyo boobka shacabka Soomaliyeed oo mudaba jaqayay dhiigooda waxaa uuna qiray inuu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee Boono sharci darro ah shacabka ka qaada hadalkaan oo si weyn loogu riyaaqay ayaa waxaa uu ku daray in sida uu isaguba tanaasulka u sameeyay in loo sameeyo.
Muuse ayaa shacabka soomaliyeed ka codsaday in gacan la siiyo ciidanka, ciddii ka mid noqoneysana ciidanka amniga sugaya ay soo dhoweyn doonaan.
Xafladan dhaarta ah ayaa lagu soo bandhigay Ruwaayad loogu magacdaray Daanyeer Beer ma Ilaalin karaa?, taasoo ay iska kaashadeen kooxaha Horseed iyo Horyaal band oo labaduba ka dhisan Muqdisho.
xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia