site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

CAYAARTOY SOOMAALI LAGA MASAAFURINAYO TANZANIA April 25, 2005

Go’aankan masaafuriska oo ka soo baxay Xiriirka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CAF ayaa waxaa uu yimid markii laba ciyaartoy oo ka tirsan kooxda elman ay isku dayeen inay feeraan garsooraha ciyaattii ay la yeesheen atletico olmpic ee dalka burundi Labadan ciyaartooy ayaa kala ah wakiil iyo cabdi kuus,kan sedaxaad ee isna la soo masafuranayo ayaa ah maxamad nuur shaarkey oo isna lagu ganaaxay masaafuris ka dib markii uu diiday inuu garoonka isaga soo baxo markii garsooruhu uu u taagay calaamadda guduudan

Go`aankaan lagu soo masaafurinayo ciyaartoydan 3da ah ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay guddoonka sare ee naadiga elman hase yeeshee waxaa ay sheegeen inay marwalba qaadan doonaan go`aanka xiriirka kubadda cagta soomaliyeed uu arintaa ka qaato

Ganaaxa ayaa walaac xoog leh ku abuuray bahda isportiga soomaliyeed inkastoo hase ahaatee ay qarkood u garaabeen CAF oo ay yiraahdeen ganaaxu waa mid waafaqsan shuruucda isboortiga caalamka.

xasan dhaaleey

dheel10@hotmail.com