site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

BUUG CUSUB OO LAGU SOO BANDHIGAY LONDON UK April 25, 2005

<|kaftan.jpg|Courtesy: afgarad.com|left|>Waxaad ka gadan kartaa afgarad.com

(Courtesy of ruunkinet.com) Daahfur buug lagu magacaabo Kaftandhable oo ay ka soo qeyb galeen dad badan oo shalay ka dhacay magaalada London. Ruunkinet 25/04/05

Daahfur (Book Launch) oo ay si weyn ay uga qeyb galeen dad weyne faran badan ayaa shalay lagu qabtay magaalada London ee dalkan Ingriiska.

Daahfurkan oo ku saabsanaa buug lagu magacaabo Kaftandhable ayaa boggiisa kore lagu qoray Soomaaliya: Maxaa dheelliyay oo makaasi lagu hoos sawiray miisaan kala sareeya.

Dadka ka soo qeyb galay daahfunka buugan ayaa waa ka mid ahaa qorayaal sare oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha Naadiga International Pen ee qalinleyda iyo hal abuurka Soomaaliyeed mudane Maxamed Daahir Afrax iyo guddoomiye ku xigeenka ururkaasi mudane Saciid Jaamac.

Afrax iyo Saciid Jaamac ayaa si weyn waxay uga hadlay buugga Kaftandhable iyo qorahiisa mudane Saciid Cismaan Kenadiid oo haatan ku sugan dalka Immaaraadka Carabta.

Sidoo kale, waxaa nuxurka boogga qaadaa dhigay mudane Saciid Faarax oo dadweynihiin halkaasi isugu yimid xusuusiyay codkiisii BBC-da iyo beri sammaadkii.

Mudanayaasha si fiican halkaasi uga hadlay buuggaasi ayaa waxaa ka mid ahaa qoraha caanka ah ee lagu magacaabo Cabdisalaan Salwo iyo Maxamed Cali Diirshe oo sheegay in uu qoraha buuggan ka soo jeedo qows ku wanaagsan halabuurka iyo Soomaalinimada.

Dhinaca kale, Tafatiraha Shabakadda Ruunkinet oo ka mid ahaa marti sharaftii lagu casumay halkaasi iyo inta badan dadkii halkaasi fadhiyay ayaa waxaa ku adkaatay in ay si sahlan u fahmaan dulucda buugan oo horay ugu khasabtay qoraa Cabdisalaan Salwa in uu buuggaasi akhrito 3 jeer si uu u fahmo ujeedda buuga Kaftandhable.

Dulucda buuggan ayaa tibaaxaysa dhacdooyinkii saddex xilli oo kala ah dowladdii lixdameeyadii, dowladdii Kacaanka, iyo intii ay socdeen dagaallada sokeey iyo weliba intii ka horeysay qaadashada xurnimada Soomaaliya.

Qoraha Buugga ayaa soo qaatay laba nin oo lagu kala magacaabo Cartan iy Muuse oo sheego aad u macaan dhex martay taasoo la arkayay dad badan oo ku celcelnaya akhrinta sheekadooda.

Inkastoo abwaannada af Soomaaliyaga ee halkaasi fadhiyay ay ku tilmameen buugan mid micno weyn ku fadhiya ayaa hadda waxaa la arkahay dad isweydiinaya in ay haboontahay in dulucda buugan la weydiiyo muqayihiilta fadhiya mafrishyada si ay u fasiraan maadaama horay loo yiri "Alxigma min afwaahil majaaniin", inkastoo ay qaar kalana yiraahdeen waa in wax laga weydiiyaa buugan dulucdiisa dadka darsa af Soomaaligii xilligii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan maadaama la sheegay in uu buugan ka hadlayo arrin aanay fahmi karin dadka maan gaabka ah.

Dhinaca kale, waxaa goobtaasi lagu soo dhaweeyay abwaanno dhilin yaro oo ka tiriyay maansooyin (muunsooyin) ay dad badan la qiiroodeen.

Abwaannadaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdullahi Bootaan iyo Suldaan oo inta badan ka qeyb gala xafladaha waa weyn ee ka dhaca dalkan Ingriiska.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London