SOMALINET NEWS ...Archives
TALO LOO SOO JEEDIYEY CIDDA LOO MAGACAABO TALIYAHA CIIDANKA BANADIR April 25, 2005
36 xubnood oo ka mida ciidanka booliska G/Banaadir oo talo jeedin u soo jeediyay cidda loo magacaabayo taliyaha ciidanka booliiska soomaliyeed
Bayaankan oo ku socda madaxweynaha iyo ra`iisal wasaaraha dowladda federaalka iyo weliba wasiirka amniga ayay saraakiishani ku xuseen inay muhiim tahay in si feejigan looga fiirsado cidda loo magacaabayo taliyaha ciidanka booliiska soomaliyeed oo ay ku sheegeen inay tahay xil culus oo waaya aragnimo u baahan iyadoo raacayo xeerkii 1972kii ee dhismaha booliiska.
bayaankan ayay sidoo kale ku sheegeen in hogaanka sare ee booliiska loo dhiibo ruux nadiif ka ah dagaaladii sokeeye islamarkaana ka mid ah saraakiisha sare ee booliska
booliiskan soo saaray bayaanka ayaa qiray inay isku dubarideen oo weliba ay diiwaan geliyeen dhamaan ciidamada booliiska soomaliyeed intooda nool
gabagabadii bayaanka ayay ku sheegeen inay diyaar u yihiin la shaqeynta dowladda federaalka islamarkaasina ay shacabkooda ugu adeegi doonaan si daacdnimo ah
xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia