site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

MAALINTA DUUMADA OO LAGA XUSAY MUQDISHO April 25, 2005

(Mogadishu) Xuskan ayaa lagu qabtay isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee banaadir,munaasabadan oo ay iska kaashadeen hay`ado door ah oo ku sugan muqdisho,waxaana munaasabasii manta lagu sheegay in daqiiqad kasta uu qof ugu dhinto caalamka cudurka kaneecada Dr fuje oo ka hadlay munaasabadii manta ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka soo maaliyeed ay si wadajir ah ug hortagaan cudurkaan

Dr fuje o ka hadlayey qatarta iyo wax yelada kaneecada waxa uu sheegay in ay ka dhalato meelaha biyo degga ah iyo harooyinka waaweyn,

Ilaa 50 haween ah oo isugu jira kuwo uur leh iyo kuwo kale,waxaana loo qeybiyay maro kaneeco, si ay gabaad uga dhigtaan kaneecada lagu wado in ay ka dhalato roobabka gu’ga oo xiligaan ka billowdey gobalada qaarkood

Munaasabadda maalinta ladagaalnka cudurka duumamada ayaa la isku af gartey in laga sameeyo dhiri gelin fara badan xagga shacabka taasoo loo arkey ineey tahay wadada ugu macquul san ee lagu dabar goyn karo duumada iyo wax yeeladeeda

xasan dhaaleey

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia