site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

CIIDAMO SHAATIGUDUUD OO KU SOO BIIRAY KUWA XAABSADE April 25, 2005

(Mogadishu) Wararka ka imaanaya magaalada baydhabo ee xarunta gobolka bay ayaa sheegaya in lix baabuur oo kuwa dagaalka ah ay maanta halkaasi soo gaareen kadib markii ay ka soo baxsadeen shaarguduud oo ay la jogeen.

Sarkaalka hogaaminayay ciidanka iyo gaadiidka oo la yiraahdo buuloow ayaa ka gaabsaday sababta uu u soo gaaray baydhabo iyo inuu baxsad ka ahaa ciidanka shaarguduud oo uu ka tirsanaa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in saacadaha soo socda ay wada hadlayaan xaabsade iyo buuloow inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha ay ka wada hadlayaan.,hase ahaatee qaar ka mida mas`uuliyiinta hoos taga maamulka xaabsade ee baydhabo ku sugan ayaa xaqiijiyay inuu jiray xiriir ay lahaayeen iyaga iyo kuwa haatan soo gaaray

Dadka ku dhaqan baydhabo ayaa si weyn u soo dhoweeyay ciidanka soo gaaray waxaana loo sameeyay qado sharaf heersare ah

Waa markii koowaad oo ay yimaadaan magaalada baydhabo ciidamo hubeeysan oo ka yimid dhinaca shaarguduud tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay magaaladaas

xasan dhaaleey

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia