SOMALINET NEWS ...Archives
MAAMULKA G/SH/HOOSE OO KU FAANAY IN DANBIYADA HALKAASI KA DHACA AY SABABAAN ULO IYO DHAGXAAN April 25, 2005
Mas`uuliyiinta g/sh/hoose oo ku faanay in danbiyada halkaasi ka dhaca ay sababaan ulo iyo dhagxaan
Hadalkaan ayaa maanta waxaa saxaafadda u jeediyay taliyaha saldhiga degmada marka Maxamad salad sanjabiil, xilli uu ku sugnaa isla saldhiga marka waxaa uu intaa sii raaciyay in dadka deegaanku ay arintaa gacan ku siiyeen islamarkaasina ay u hayaan qaddarin weyn sidoo kale waxaa uu qiray in amaanka gobolka la isku haleyn karo oo uu soo wanaagsanaaday intii la doono isagoo carabka ku dhiftay in ay ku timid rabitaanka shacabka halkaasi ku nool.
Taliyaha saldhiga degmada marka ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin maxaabiista ku xiran xabsiga oo la sheegay inay si weyn ugu dhibaateeysan yihiin hase ahaatee waxaa uu taas kaga jawaabay in qololka xabsiga aaney ka dhicin sida hoteelada oo kale, waxaa uuna intaa ku daray in lacagaha laga qaado shacabka ee canshuurta ah ay iyaga dib ugu laabato waa sida uu hadalka u dhigaye.
Si kastaba ha ahaatee maamulka gobolka shabeelada hoose ayaa mamnuucay qaadashada hubka iyo tooreyda aysan ka warqabin waxayna aheyd goob aan nabad aheyn ka hor maamulka halkaa laga dhisay waxaana ka howlgala hay`ado aad u farabadan.
xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia