site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

NIN U SHAQEYNAYAY HAY'ADDA OXFAM OO JAMAAME LAGU AFDUUBTAY April 26, 2005

(Mogadishu) Wararka ka imaanaya degmada jamaame ee gobolka jubada hoose ayaa sheegaya in halkaasi lagu afduubtay nin u shaqeynayay hay'adda samafalka ee Oxfam dhalashadiisuna ay tahay kiinyaati ayaa shalay ay dabley hubeysani qafaasheen iyadoo halkaasina ay ku dhaawaceen mid ka mid a ilaaladiisii.

Wararku waxay intaa ku darayaan in xaalada caafimaad ee ninkaasi inay iminka aad u liidata sida ay xaqiijiyeen dadka deegaankaas.

Ninkan oo la sheegay inuu qabo cudurka kaadi macaanka ayaan helin daryeel caafimaad iyadoo sida wararku nagu soo gaarayaan ay dsableyda heysata ay marba goob ula guurayaan si xeeladeysan ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay dableyda,hase yeeshee odayaasha deegaanka ayaa sheegay inay qadyaan ka joogaan xalinta afduubka la heystaha Oxfam

si kastaba ha ahaatee ma yara dadka u ololeynaya sii daynta ninkaan la heystaha ah

xasan dhaaleey

dheel10@hotmail.com