SOMALINET NEWS ...Archives
(MOGADISHU) HAAN KU SOO CAARISAY MARKA OO LAGA HELAY SHIDAAL April 26, 2005
(Mogadishu) Wararka ka imaanaya xarunta Shabeelada hoose ee marka ayaa sheegaya in xeebta magaaladaasi ay saakay waaberigii ku soo caarisay haan aad u balaaraan oo markii hore laga baqayay ayaa laga helay shidaal ilaa iyo boqol iyo konton fuusto ah hase yeeshee waxaa markii dambe ku soo baxay maamulka gobolkaas oo la wareegay gacan ku heynta haantaas iyo shidaalkii ku haray iyadoo weliba la sheegay in haantaasi uu saarnaa matoor.
Maamulka gobolka shabeelada hoose ayaa ku ancadooday inay baarayaan haantaas iyo halka ay ka timid, iyagoo shacabka halkaa ku dhaqana ku booriyay inay hubiyaan shidaalka gacmahooda galay iyo inaysan ku dedegin haamaha noocaan oo kale ah oo laga yaabo inay ku jiri karaan haraagga qashinka sunta wershadaha sameeya nukliyeerka
Ma aha markii ugu horeysay ee xeebaha soomaliya lagu arko haamaha soo caariya iyadoo afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay lagu arkay xeebaha xarardheere, Eyl Iyadoo todobaadyadii la soo dhaafana lagu arkay xeebaha jubada hoose iyo warshiikh
xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia