site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

SHIR JARAA'ID OO KA DHACAY MAGAALADA BAYDHABO April 26, 2005

(Baydhaba) Shirkan jaraa'id ayaa waxaa maanta halkaasi ku qabtay guddigii nabadeeynta iyo dhexdhexaadinta ee garabyada RRAda oo dhowaan dagaal dhexmaray Guddigan ayaa shirkoodii manta uga hadlay waxyaabo farabadan oo ay ka mid yihiin waxyaabihii u suuragalay intii ay ku jireen howlihii dhexdhexaadinta ee ay maalmahan wadeen

Guddigan ayaa shir saxaafadeedkii manta ku soo bandhigay qodobo door ah oo ay ka mid yihiin in la joojiyo dhaqdhaqaaqyada dhanka ah nabadda islamarkaana wax u dhimi kara iyo in la tixgeliyo geeddi socodka nabadda

Sidoo kale waxaa ay baaq u jeediyeen bulshada deriska la ah beelaha digil iyo mirifle iyagoo ka codsaday inay qaddariyaan deris wanaagga, sidoo kale waxaa ay baaq u jeediyeen beesha caalamka oo ay kaga codsadeen inay taageeraan baadigoobka nabadda curdanka ah ee ka socota geyigga digil iyo mirifle

Maxamad ibraahin bilaal oo shirkan jaraa'id qabtay isagoo hogaaminayay guddiga xaldoonka ayaa sheegay in qeybaha iska soo horjeeda ay iminka ku dhow yihiin in la is hor fariisiyo

Shirkan jaraa'id ayaa waxaa uu ku soo beegmay xilli shalay ay magaalada baydhabo soo gaareen lix gawaarida dagaalka ah oo ku soo biiray kuwa xaabsade, kuwaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaaladaas

xasan dhaaleey

dheel10@hotmail.com