site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

QEYBTII UGU DANBEEYSAY HORJOOGAYAASHA MALEESHIYADA MUQDISHO OO MAANTA LA DHAARIYAY April 26, 2005

(Mogadishu) Dhaartan ayaa maanta ka dhacday xarunta Baarlamaanka ee Xaruntii xisbiga ee magaalada Muqdisho,horjoogayaashan ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin 35kii horjooge ee la diiwaan geliyay

Dhaartooda ka dib ayaa waxaa isla goobtaa looga furay horjoogayaasha Seminar Qaadanaya muddo Seddax maalmood ah

Waxaa kulankii maanta dhaarta ka hadlay Wasiirka warfaafinta ahna R/wasaare ku xigeen Maxamuud C/laahi Sifir iyo Wasiirka dhaqan celinta iyo hub ka dhigista maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin waxayna labaduba sheegeen in maliishiyaadka ay yihiin ciidankii laga doonayay oo looga fadhiyay nabadda magaalada Muqdisho

Waxaa kale oo ka hadlay Maxamad qanyare afrax oo sheegay in horjoogayaashu ay daacad ka noqdaan nabadda caasimadda islamarkaasina ay uga hiiliyaan kuwii iyaga ka hiiliyay ee doonayay ciidamadda safka hore.

Si kastaba ha ahaatee waxaa looga fadhiyaa labada gole ku sugan muqdisho meel marinta 29kii qodob oo ay ugu horeysay nabad ka aslaaxinta muqdisho

xasan dhaaleey

dheel10@hotmail.com

mogadishu Somalia