SOMALINET NEWS ...Archives
XUBNAHA LABADA GOLE EE KA SOO JEEDA GOBOLADA DHEXE OO MAANTA QODOBO SOO SAARAY April 26, 2005
(Mogadishu) Kulanka oo maanta ay ku yeesheen magaalada muqdisho xildhibaanada iyo wasiirada dowladda federaalka ee ka soo jeeda mudug iyi galguduud ayaa waxaa ay shan qodob ka soo saareen dagaalada ka soo cusboonaday gobolada dhexe kuwaasi oo kala ah:
1-in xabad joojin la sameeyo deg deg ah
2-in la bilaabo wada hadal
3-in la kala qaado ciidamada
4-in wafdi loo diro goboladaas
5-in gogol nabadeed la dhigo magaalada dhuusomareeb ee xarunta G/Guduud
Qodobadaas waxaa saxaafadda ka hor aqriyay Cismaan Xasan Cali ‘caato’ oo ah wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta kulankii maanta waxaa ka soo qeyb galay culima`uddiinka iyo waxgaradka beelahaas.