SOMALINET NEWS ...Archives
GUDI LOO MAGACAABAY KHASAARIHII ROOBABKA SOMALILAND April 26, 2005
Wararka imaanaya magaalada hargeysa ayaa sheegaya in guddiggan oo uu magacaabay madaxweynaha maamulka Somaliland Mr Riyaale ay soo bandhigeen wejigoogii koobaad baaxadda qasaaraha halkaasi ka dhacay ee ay geeysteen roobabkii mahiigaanka ahaa.
Guddigan ayaa soo bandhigay boqolaal guri oo ay dumiyeen roobabkaasi iyo weliba dhimasho ay geeysteen,gudaha iyo duleedka hargeysa, taasoo gaareysa inta la hubo sida ay sheegeen 20 ruux waxaana la sheegay inay jiraan dad roobabkaasi ay soo barkiciyeen,kuwaasi oo sida la sheegayo dowladda Somaliland ay u raadineyso xarumo cusub oo ay degaan,waxaana iminka socda lacag uruurin ay wadaan qaar ka mida guddiga iyo ganacsato reer Somaliland ah
Roobabkan ayaa sidoo kale waxaa ay qasaaro u geysateen waddooyinka magaalada hargeysa iyadoo la sheegayo inay ka qodeen boholo waaweyn
Si kastaba ha ahatee waa markii koowaad muddo lixdan sanno ah oo ay hargeysa ka da`aan roobab ceynkan oo kale ah,waxaana socda dadaalo xooggan oo lagu samata bixinayo dadkii waxyeeladu ay ka soo gaartay.
hasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia