SOMALINET NEWS ...Archives
SHIR ITOOBIYAAN IYO SOOMAALI UGA SOCDA MAGAALADA XUDUR April 27, 2005
Wararka ka imaanaya halkaasi ayaa sheegaya in maalmahan ay halkaasi ku sugnaayeen saraakiil itoobiyaan ah yo qaar ka mida wasiirada dowladda federaalka KMG Waxaana la sheegayaa in magaalada xuddur iyo magaaloyinka u dhow laga jaray isgaarsiinta oo dhan.
Wararka ayaa intaa ku daraya ic ciidamo Ethiopian ah ay soo buuxdhaafiyeen xadka ay la wadaagto somaliya gaar ahaan dhinaca xigga bay iyo bakool, waxaana illo xog ogaal ah ay sheegayaan in ciidamadaasi ay doonayaan inay garab istaagaan wasiirada xuddur jooga islamarkaasina ay weerrar ku qaadayaan magaalada baydhabo
Maalmo ka hor ayaa ciidamada Ethiopianku waxaa ay soo galeen degmooyin door ah oo ka tirsan gobolka togdheer, waxaana weli halkaasi ku sugan cutubyo ciidamadooda ah Illaa iminka ma caddda sababta ciidamadan ethiopianka ah keentay inay soo buux dhaafiyaan xadka ay soomaliya la wadaagto
hasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com