SOMALINET NEWS ...Archives
WASIRKA KOOWAAD CALI MAXAMED GEEDDI OO XAMAR U SOCDA April 27, 2005
(Nairobi, Kenya) Ra'iisul Wasaaaraha Dowladda Federaalka KMG ee Somaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu maalinta jimcaha tegi doono Caasimada dalka ee Muqdisho. Prof Geedi waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu xafiiskiisa kula kulmay Danjirayaasha dalalka jaamacadda carabta ee fadhigoodu yahay Magaaladda neyrobi ee Dalka Kenya. wuxuuna intaa raaciyay in uu doonayo isagoo tixgelinaaya danta iyo maslaxadda Shacbiga in uu la kulmo Xubnaha Golihiisas Wasiiradda iyo Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee ku sugan Magaaladda Muqdisho si uu ugu qanciyo inay u raacaan Magaalada Neyrobi oo ay markaasi uga wada-hadlaan Guud ahaan arrimaha Dalka , gaar ahaan xallinta Magaaladda Muqdisho oo uu Goluhu ka doodo.
Raiisul Wasaaraha Dowladda soomaaliyeed wuxuu Danjirayaasha u sheegay in ay ugu dambeyn u guuri doonaan Dalka Soomaaliya aakhirka Bisha May ee soo socota, wuxuuna ka dalbay Danjirayaasha carbeed in ay gacan ku siiyaan dowladda Soomaaliya dib u gurista, dib u howgalinta hay'adaha Maamulka ee xukuumadda iyo soo-celinta Amaanka iyo kala dambeynta.
Danjiraha Dalka boqortooyadda sacuudiga Al-sayid Nabeel cashour oo ku hadlaayay magaca danjirayaasha ayaa u sheegay in uu soo dhaweynayo tegista Ra'iisul wasaaraha ee Magaladda Muqdisho ayna tahay talaabo Horumara oo loo qaaday dhinaca Nabadda, isagoo sheegay in loo baahanyahay in Xubnaha Golaha wasiiradda ay arrinta Muqdisho iyo Guud ahaan Dalkaba ka doodaan Go'aana ka gaaraan kadibna ay u gudbiyaan Golaha Baarlamaanka si ay Go'aan kama dambeys ah uga gaaraan.
Danjire Nabeel Cashour wuxuu kaloo sheegay in Dalalka carabta ay gacan ka geysan doonaan dib u guurista Dowladda iyo guud ahaan barnamijyada deg-dega ee ay Xukuumaddu u baahantahay, wuxuuna tilmaamay in ay Dalalkooda u gudbin doonaan baahida Dowladda Soomaaliyeed iyo sidii loogu soo de-dejin lahaa Dhaqaalihii ay Dalalka Jaamacadda carabta u qorsheeyeem Dalka Soomaaliya markii ay ku kulmeen Magaaladda Aljeeris ee dalka Aljeeriya taasoo dhameyd 26 milyan oo dollar oo loo qeybiyay bixinteeda dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda carabta.