site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

WASIIRKA KOOWAAD OO LA KULMAY WAKIILKA QARAMADA MADOOBAY April 27, 2005

(Nairobi, Kenya) Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG prof Cali Maxamed Geedi ayaa saaka xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha waaxda Siyaasadda ee qeybta Afrika ee hay'adda Qaramadda midoobay Mr.Haile Menkerios.

Prof.Geedi iyo Mr.Menkerios waxay kulankaasi iskula soo qaadeen qodobo muhiim ah oo ku aadan Guuritaan Dowladda, Dhaqagalinta Xabad-joojin guud oo ka hirgasha Dalka Soomaaliya iyo sidii loo meeleyn lahaa Maleeshiyooyinka Hubka sita, islamarkaana hubka looga dhigi lahaa.

Ra'isul Wasaaraha iyo Agaasimha waxay kaloo kulankaasi iskula soo qaadeen arrinta la xirirta Ciidamada Igad ay ugu talagashay in ay Soomaaliya usoo dirto iyo kaalinta ay Hay'adda Qaramadda Midoobay ka qaadaneyso sidii Dowladda soomaaliyeed gacan loogu siin lahaa dib u dhiska hay'adaha suga Amaanka gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulankaasi waxaa Ra'iisul wasaaraha ku wehliyay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Mudane Saalim Caliyow Ibro, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane cabdirisaaq Cusmaan Juriile iyo masuuliyiin kale, halka uu dhinaca Qaramadda midoobay ka joogay Aba Femi oo ah sii-hayaha Wakiilk xoghayaha Guud ee Arrimaha Soomaaliya.