site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

MASJID AAD U WEYN OO XAMAR LAGA FURAY April 29, 2005

(Mogadishu) Masjid ay markiiba ku tukan karaan illaa 2500, oo qofood ayaa maanta laga furay agagaarka warshadda cusub ee coca-cola oo ku taala magaalada muqdisho.

Masaajidkan oo loogu magacaabay Umul mu, miniin Caa, isha bintu Abuubakar ayaa dhismahiisu wuxuu soconayay in ka badan labo sannadood, waxaana hadda oo ladhammeeyay howlihiisii oo dhan mar qura ku wada tukan karta tiro dada ah oo gaareysa illaa 2500 oo ruux masjidkan oo ay manta u, aheyd markii ugu horreysay ee salaa jameeco ah lagu tukado ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dadka deegaanka uu masjidku ku yaallo ee xaafadda juungal kuwaasoo salaaddii jimcaha ee manta halkaas ku tukaday.

Furitaankii masjidkan ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay culumaa, udiin waaweyn oo caan ka ah magaaladan xamar.

Cabdullaahi Diiriye Abti-doon oo kamd ah howlwadeenada masaajidkaas ayaa innoo caddeeyay inuu masjidkani kaalin weyn ka qaadan doono xoojinta kitaabka Alle iyadoo waliba inuu leeyahay masjidku qeybo ardayda lagu bari doono culuunta islaamka, inkastoo uu sheequ ka gaabsaday cidda maalgelisay hirgelinta masjidkan weyn.