SOMALINET NEWS ...Archives
WASIIRKA KOOWAAD IYO WAFDI BALAARAN OO XAMAR KA DEGEY April 29, 2005
<|somalipm.jpg|Somali PM|left|>(Mogadishu) Wafdigan oo ka kooban mudanaayaal ku jira labada gole ee dowladda fedaraalaka KMG ah, madax kakala socota IGAD, jaamacadda carabta iyo midoga afrika ayaa maantay abbaarihii labadii duhurnimo waxaa ay ka soo degeen garoonka dayuuraduhu ay cago dhigtaan ee nom.50 oo ku yaalla gobolka sh/hoose.
Soo dhaweyntii maanta loo sameeynayay wafdiga uu hoggaaminayo R/wasaaraha ayaa waxaa kaalinta ugu ballaaran qaadanayay ururrada bulshada rayidka ah iyo dadweyna aad ufara badan oo ka kala yimid gobolada sh/hoose, sh/dhexe iyo banaadir.
Dhinaca ammaakna ayaa iyaguna waxaa muuqanayay in illaa labo boqol oo gawaarida dagaalaka ah sugayeen aminga goobta uu wafdigu ka soo degayay, inta badanna sugida amniga waxaa u ilsaarnaa guddoomiyaha gobolga sh/hoose shiikh yuusuf indhacadde R/wasaaraha ayaaney usuurto gelin inuu garoonka kula hadlo dadwenaha amaba uu gacan qaado mas, uuliyiintii kusugaysay garoonka illaa saakay sideeddii subaxnimo taasoo loo aaneynayo xammaasad wen oo markii uu soo gegay R/wassraha lumisaydeganaanshihii garoonka nom.50.
R/wasaaraha ayaa la sheegay inuu gaari doono saacadaha soo socda xaruntii hore ee xisbigii XHKS oo hada ah xarunta golaha baarlamaanka halkaasoo illaa saakayba ay taaganyihiin dadwene farabadan oo diyaar uah soo dhaweynta wafdiga iyadoo aydoo kulaylka qorraxduna uu yahay mid aad u daran, sidoo kale waxaa la sheegay in wafdigu ay degi doonaan hotel ramadaan oo ku yaalla dhinaca waqooyiga muqdisho.
wafdiga ayaan la xaqiijin muddada ay joogi doonaan muqdisho balse warar ayaa tibaaxaya muddo labo cisho ah oo ay ku qqmeyndoonaan xaaladda amniga muqdisho.
<|omer_05_150.jpg||left|>