site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

HOWL LAGU NADIIFIYO GAROONKA DIYUURAHA EE KISMAANYO OO MAANTA BILLOWDEY May 1, 2005

Ololahan nadaafadeed ee garoonka diyaradaha caalamiga ah ee kismaayo ayaa waxaa wada isbahaysiga Dooxada Jubba kadib markii laba todobaad uu xinaa garoonkaasi sababa la xiriira dhir fara badan oo la sheegay in halkaasi ay ka baxeen taasoo keentay in hay’adihii gargaarka ee halkaasi ka howl gali jirey ay ka gaabsadaan isticmaalka garoonka.

Dhirtii halkaas ka baxdey ayaa waxaa u soo naq raacey xoolaha waxeyna walaac aan yareyn ay badeen diyaaradaha ka degta garoonka iyo kuwa ka duulaya labadaba.

Isbahaysiga Dooxada Jubba oo aan u kala harin oo misna wata sedex Cagaf cagaf ayaa subaxnimadi saakay ku kalahay garoonkaas, si ay uga fuliyan hawl nadaafadeed iyo rajo soo celin xagga bilicda iyo habsami usocodsiinta garoonka.

Si kastaba ha ahaatee dadka ku dhaqan kismaayo ayaa sheegaya in howshan nadiifinta ah ay wax weyn ka tereyso horumarka adeegyada gobolka

xasan dhaaleey

dheel10@hotmail.com