site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

WASIIRKA KOOWAAD OO BOOQDAY VILLA SOMALIA May 1, 2005

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ee Dowladda Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa maanta Booqasho rasmi ah ku tagay Xaruntii hore ee Villa Somaaliya ee Madaxtoyada, halkaasoo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid qeybaha Magaalada Muqdisho.

Prof Geedi oo ay Booqashadisa ku wehliyeen Wasiir ku-xigeen Xiriir Gobaleedka Dalka Kenya Joseph Nyaga, Wakiilka Xoghayaha Guud u qaabilsan arrimaha soomaaliya Baba Femi Badeeja iyo danjirayaal ka socda Beesha Caalamka, gaar ahaan Midowga afrika, Jaamacada carabta, dalalka Igad, waxay xaruntaasi kala kulmeen soo dhaweyn aad u heer sareysay, iaydoo Dadweynahaasi ku dhawaaqayay soo dhawada Raisul Wasaare adiga iyo wafdigaada.

Hadal uu dadweynahaasi u jeediyay raisuil wasaare Geedi waxa uu ugu horreyntii uga mahadceliyay sidii diiraneyd ee isaga iyo wafdigiisa ugu soo dhaweeyeen Xarunta Madaxtooyada, wuxuuna sheegay in tani ay muujineyso in dadweynuhu ay baahi weyn u qabaan Dowlad, isagoo intaa raaciyay in Dowladu ay wax u qaban doonto Dhallinyarada Hubeysan ee Maleeshiyaadka oo loo qaadan doono Ciidamadfa Booliska iyo militariga, kuwa buuxiya Shuruudaha Ciidanka, kuiwa kalena la siin doono tababar farsamo ah oo ay ku shaqeystaan.

Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi waxa uu u sheegay Masuuliyiinti iyo Dadwerynihii xarunta Madaxtooyada kusoo dhaweeyay in laga sugayo in ay wax ka qabtaan Amaanka iyo xasiloonida Muqdisho si Muqdisho ay usoo ceshato Sharaftii ay caanka ku aheyd, wuxuuna weydistay inay Taagero buuxda siiyaan Dowlada isagoo sheegay in Xukuumadu waddo barnaamijo wax looga qabanaaayo dhinacayadfa Amaanka, dib u dhiska iyo barnaamij ku wajahan hub ka dhigista.

Masuul ku hadlay Ururkii SNA ee Taageera Ra'iisl Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka arrimaha Gudaha Mudane Injineer Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid, waxa uu sheegay in isagoo matalaya Dadweynaha iyo masuuliyiinta SNA ay Diyaar u yihiin inay furaha Xarunta Madaxtooyada, Radiyo Muqdisho iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed ay ku wareejiyaan Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya.

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cali Maxamed Geedi waxa kaloo maanta xarunta hore ee Xisbiga uu kula shiray Xubnaha Labada Gole ee Xukuumada iyo Baarlamaanka. Kulankaasi waxaa kaloo ka soo qeybgalay Wasiir-ku-xigeenka Xiriir Gobaleed Geeskia Afrika Joseph Nyaga iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Mr.Femi Badejo iyo Danjirayaasha dalalka Igad iyo Jaamacadda Carabta, waxaa kulankaasi hadal Warbixin iyo soo dhaweyn isugu jira ka jeediyay Xildhibaan Cumar Xaashi, Xildhibaan Jaamac Cali Jaamac iyo Guddomiye ku xigeenka Baarlamaanka muidane Cusmaan Cilmi Boqore waxayna sheegeen in ay qabteen Howl wax ku ool ah oo ku saabsan sidii loo nabadeyn lahaa Magalada Muqdisho iyadoo ay caddeeyeen inay agaasimeen Ciidamo wax ka qabta Nabadgelyada Magaalada Muqdisho, iyagoo caddeeyay ineysan jirin wax khilaaf ah oo dhex-yaala Labada Gole, ayna diyaar u yihiin inay ficil u badalaan waxqabadkooda.

Mudane Cali Maxamed Geedi oo isna shirkaasi ka hadalay waxa uu u sheegay xubnahaasi inuu ku fa raxsanyahay wixii ay qabteen, balse ay muhiim tahay in ficil laga dhigo wax ka qabashda Nabadgalyada Magaalada Muqdisho.

Prof Geedi wuxuu kaluu intaa raaciyay inay haboon tahay inb la adkeeyo Midnimada Xubnaha Dowlada islamarkaana qabashada Howlaha maamulka ay u xilsaaran tahay Xukuumada, baarlamaankana uu u xilsaaran yahay kormeerida Howlaha, wuxuuna weydistay iney meel iska dhigaan khilaafyada oo ay wax waliba ka hor mariyaan wax u qabashada Ummadda.

Waxaa iyana ka hadlay kulankaasi Wasiir ku xigeenka Xiriir Gobaleedka Geeska afrika Joseph Nyaga iyo Baba Femi Badejo oo caddeeyay inay Diyaar u yihiin iney si buuxda u taageeraan Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan

Mr.Jospeh Nyaga oo timaamay in Dowladiisu aanay ka hareyn tan iyo intii ay cagaheeda ay isku taageyso Dowladda Soomaaliyeed ayna u fidin doonaan Dalalka Igad Kaalmo wax ku ool ah. Mr.Nyaga iyo Badeejo wax ay tilmaameen in Booqashada Raiisul Wasaaraha ay tahay mid wax weyn ka qaban doonta sii dhaqaajinta Howlaha lagu xaqiijinaayo sugida Amniga ee Magaalada Muqdisho waxayna sheegeen in ay u caddaatay in aanu wax khilaaf ah oo u dhaxeeya xubnaha labada Gole balse uu jirto Xiriir la'aan lana sixi karo, waxayna Raiisul Wasaaraha iyo Wasiirada kale iyo Xubnaha Barlamaanbka ay ku adkeeyeen inay gacnaha is qabsadaan oo ay xil weyn iska saaraan sidii loo samata-bixin laha Ummadda Soomaaliyeed.