SOMALINET NEWS ...Archives
WASIIRKA KOOWAAD OO BOOQDAY MEELO MUHIIM AH May 1, 2005
(Mogadishu) Wasiirka koobaad ee dowladda cusub ee soomaaliya md.Cali Maxamed Geedi iyo wafdigii ballaarnaa ee uu hoggaaminayay isuguna jiray labada gole ee dowladda iyo xubno ka socday beesha caalamka ayaa aroornimadii hore ee saakay waxay ka soo dhaqaajiyeen hotelka ay magaalada ka degganaayeen ee ramadaan kuna yaalla dhinaca waqooyi ee magaaladan muqdisho iyagoo usoo jihaystay xaruntii hore ee xibigii HKS, oo iminka ah xarunta baarlamaanka soomaaliya, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen md geedi iyo wafdigii la socdayba wasiirro iyo xildhibaanno iyagu horeyba usii joogay muqdisho, halkaasina kusugnaa, soo dhaweyntii kadib ayaa waxaa lagudagalay hoolka shirarka ee xaruntaasi halkaasoo uu ka dhacay kulan soconayay illaa seddex saacadood oo xiriir ah
intii lagu gudo jiray kulankaasi ayaa waxaa R/wasaare geedi uu warbixinno kusaabsan waxqabadkii mas, uuliyiinta labada gole ee horay usii joogay xamar iyo halka ay wax umarayaan kaga dhegeystay afhayeenka labada gole ee xamar kusugnaa md xildhiban Cumar Xaashi Aadan isagoo intaa ku sii daray in maalinta berri ah lasoo xiri doono seminar maalmahan isla xarunta baarlamanka uga soconayay qaar katirsanaa hor joogayaasha malleeshiyaadka muqdisho isagoo ugu dambeynna ka codsaday mdgeedi iyo xubnaha kale ee beshacaalamka ka socdayba inay kala qeybgalaan maalinta berri ah xafladda loo sameynayo xiritaanka seminaarkaasi warbixintaasoo runtii si aad ah loogu guuxay.
Hase ahaatee arrinta layaabka laheyd ee manta shirkaasi kadhacday ayaa waxay aheyd markii uu hadalka qaatay xildhibaan Shiikh nuur Cali Aadan oo kamid ah mudanayaasha beesha Digil&Mirif, kaasoo isagoo aad u careysan eedeyn kula dhaqaaqay R/wasaaraha waxyaabaha uu mudanuhu ku eedynayay ayaa waxaa ka mid ahaa in MsGeedi uukadambeeyo dagaaladii Ka dhacay baydhabo iyo weliba abaabullo dagaal oo uuhada shegay iney ka soconayaan meelo kamid ah G/Bakool Isagoo intaa ku sii daray in dagaalada uu dhhirrigelinayo R/wasaaruhu aaney ku ekaan doonin Gobollada Bay iyo Bakool ooay saammeyn doonaan dalaka oo dhan
Ugu dambeyn r/wasaare geedi oo hadalkii qaatay waxaa uu si aad ah ugu mahad celiyay dadka reer muqdisho iyo kuwa Sh/hoose oouu ku ammaanay soo dhaweyntiisi Kaalintii weyneyd ee ay ka qaateen wuxuu kaloo ammaan usoo jeediyay xubnihii labada gole ee xamar joogay iyo wixii ay qabteen sagoo taana ku cel-celiyay, ms geedi Waxaa uu soo hadal qaaday qorshaha dowladdiisa ee ku aaddan arrimaha Amniga
Intaa ka dib r/wasaare geedi iyo wafdigiisii waxay aadeen dhinacaa iyo, villa Somalia Halkaasoo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen taageerayaasha W/arrimaha gudaha oo iyago halkaasi muddaba gcanta ku hayay kadib waxaa uu usii dhaafay xaruntii Radio muqdisho halkaasoo uu kasheegay inay si deg deg ah dowladdu uqalabayn doonto idaacaddaas noqonna doonto idaacad ku hadasha codka dowladda, isagoo ugu dambeynna ku soo gebagebeeyay socodkiisii manta talikii hore ee ciidanka booliska Soomaaliyeed halkaasoo uu saraakiil saraakiil xigeenno kusugnaa salaan kaga qaatay.