SOMALINET NEWS ...Archives
BAYDHABO OO DAGAAL LOOGA CABSANYO May 1, 2005
Malleeshiyadii dhawaan laga saaray baydhabo ayaa la sheegay in meel udhaxayasa degmooyinka Waajid iyo Xudur ay ka wadaan abaabul dagaal.
Wararka aannu ka helayno Xarunta G/bakool ee Xudur ayaa waxay tibaaxayaan in tuulada Kulan-jareer oo kutaalla meel u dhexeysa waajid iyo Xudur uu ka soconayo dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh kaasoo ay wadaan garabkiiRRA-da ee malleeshiyadiisii dhawaan laga soo saaray magaalada Baydhaba
Waraka ayaa waxay intaasi sii raacinayaan in la isku dubaridayo tiro gawaarida dagaalka ah iyo kooxo malleeshiyo ah oo gaaraya illaa boqollaal kuwaasoo la doonayo sida warar xogaogaal ihi xaqiijinayaan in lagu weeraro magaalada Baydhaba
Waxaa hadaba muuqanaya in waan-waantii laga dhexwaday garabyada RRA-da ay meesha kasii baxayso,taasoo hadiisidan ay ku sii socotana horseedi karta jahawareer siyaasadeed oola soo dersa dadka Gobolada Bay iyo Bakool,sidoo kale ilowareed ayaa iyaguna sheegaya in hurinta colaaddan kasoo cusboonaaneysa goboladaasi ay ku lug laadahay dowladda Ethiopia hase ahaatee lahama hayo war xaqiijinaya taasi.
Xasan dhaaleey dheel10@hotmail.com mogadishu somalia