SOMALINET NEWS ...Archives
CIIDAMADII UGANDHA IYO SUUDAAN OO WAXBA ISKA BADALIN IMAATINKOODA May 2, 2005
Safiirka dalka Jabuuti u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo sheegay inaysan waxba iska badalin qorshihii wadamada Ugandha iyo Sudan ay ciidamo ugu soo dirayeen Soomaaliya.
Maxamed Siyaad Ducaale oo haatan ku sugan magaalada muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay ineey haatanba wadamadaasi ay kuguda jiraan qaban qaabada iyo isku dubaridka ciidamada ay ugu tala galeen in loo so diro soomaliya.
Dr siyaad waxaa uu sheegay maadaama la soo dhaafey 30-ka April oo balantu ahayd in ciidamadu ay soo gaaraan somaaliya hadana waxaa uu sheegay in maalmo kooban uudibu dhac ku yimid laakiin qorshuhu uu sidiisii yahay.
Safiirka oo ay tahay markii ugu horreeysay ee uu yimaado muqdisho tan iyo markii la dhisay Dowladda federalka ah ee soomaaliya hadana waxaa uu qirey in wafdigii uu la socdey ee dhowaan soo gaaray magaalada muqdisho ay ka dareemeen shacabka muqdisho ay u baahan yihiin, dadkuna ayna u bisil yihiin dowlada wax ka qabata dhibaatooyinka haysta.
Safiirka oo muddo haatan laga joogo shan sano soo gaarey soomaaliya ayaa xaalada haatan ka jirta soomaaliya ku tilmamey mid usansaan eg tii waagaas ka jirtey muqdisho oo uu joogey muddo 15 cisho ah xiligaasoo dadka ay u heelanaayeen soo dhaweynta dowladdii lagu soo dhisay carta,
Sidoo kale Danjiraha waxaa uu soo hadal qaadey sida dowladiisa ay uga gaabsatey Ismaandhaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan xubnaha labada gole ee dowladda Federaalka soomaaliya isagoo qiil uga dhigay in dowladda Jabuuti aysan diyaar u ahayn ineey lakala safato xubanaha labadaas gole ee Dowlada Soomaliya.
xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadisho somalia