SOMALINET NEWS ...Archives
WAKIILKA XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY U QAABILSAN SOOMAALIYA OO SHEEGAY IN UN-KU UU SOO DHAWEYNAYO MUQDISH OO NOQOTA NABAD May 2, 2005
(Mogadishu) Mr. Baaba Fimi ayaa manta warkan kaga dhawaaqay shir jaraa'id oo uu saxaafada ugu qabtay xarunta heyadda qaramada midoobay uqaabilsan horumarinta barnaamijyada UNDP ee Muqdisho, hadalkan uu jeediyay wakiilka xoghayaha guudee somaaliya ayaa ku soo beegmay waxyar kadib markii uu wasiirka Amniga Qaranka Md Maxamed Qanyare Afrax uu isna saxaafadda u sheegay in Wasiirka 1aad iyo wafdiga la socdaahuba ay dib udhac iyo luggooyaba ku yihiin howlihii ay muqdisho horay uga Wadeen,hase ahaatee diblumaasigan oo isagu ka mid ahaa wafdigr/wasaarahakanana mid ah sida muuqatay raga ii qanyare eedeynta u soo jeediyay ayaa ku nuuxnuuxsady ineysan habayaraatee jirin wax qilaaf ah oo sidaa uweyn isla markaasina ay soconayaan wadahadllo lagu xallinayo xurgufaha yaryar ee ku kala dhexjira mas,uuliyiinta sarsare ee dowladda waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ergaygan ka socday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxaa kaluu sheegay inuu jecelyahay lakulanka Qanyare isgoo waliba xusay in isla maantadanba uu rajaynayo inuu qabsoomo kulan uu la yeesho Max,d Qanyare waxaanan quud-darreynayaa buu yiri kadib marka aan is aragno Qanyare in ay wax weliba hagaagi doonaan, isagoo sidoo kalena gaashaanka u daruuray inay dibudhac ku yihiin howlihii lagu nabadeynayay magaalada Muqdisho wxuuna ugu dambeyntii hadalkiisa ku soo gunaanuday qaramada midoobay waxy soo dhaweyneysaa ,taageeraysaana magaalada Muqdisho oo yeelata Maamul iyo Amaan laysku halleyn karo
Xasan dhaaleey dheel10@hotmail.com
Muqdishu somalia