site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

XAMAR: HESHIIS RA'IISUL WASARE GEEDI UU LA GAARAY LABADA GOLE May 2, 2005

Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi iyo Xubnaha Labada Gole ee horay u joogay Magaaladda Muqdisho ayaa Heshiis ku gaaray inay Iska Iloobaan Khilaafkii Isfaham la'aan ee ka dhaxeeyay ayna u Istaagaan Badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed.

Heshiiskaasi oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee Xisbigii Hantiwadaaga ee hore, waxa ay ka dambeysay,mar uu soo jeediyay Ra'iisul Wasaare Geedi Xiraayay Seminaar loo xirayay Saraakiisha Maleeshiyaadka oo u socday Maalmihii tagay,kadib markuu weydistay Is-cafin iyo in leeska Iloobo wixii horay u dhacay.

Mudane cali Maxamed Geedi oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyay inuu la qaatay Qorshihii ay soo jeediyeen xubnaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka ee ku wajahnaa hub ka dhigista iyo Xareynta Maleeshiyaadka Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in loo bahan yahay in ficil laga dhigo Howshan oo la xareeyo Ciidamada maleeshiyaadka,Hubkana leeska dhigo.

Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG Mudane Cali maxamed Geedi wuxuu intaa raaciyay in sida uu sheegay Wasiirka ganacsiga Mudane Muuse Suudi Yalaxow ay Dowladda Soo guuri doonto dalkeedana ku soo laaban doonto,wuxuuna sheegay in uu ku faraxsanyahay Howshan wax ku oolka ee ay Xubnaha labada gole qabteen, maanta ay Ummadda soomaaliyeed ka sugeyso inay mid ahaadaan oo ay si wadajir ah wax ugu qabtaan Ummadda soomaaliyeed oo maanta u baahan dowlad wax u qabata oo ka saarta dhibaatada ay k soo jireen 14-sano ee la soo dhafaay.

Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka KMG Mudane Xaaji Muuse suudi yalaxow oo isna munaasabaadasi ka hadlaayay ayaa caddeeyay in Howshan ay sii wadi doonan ilaa ay ka gaaran Horumar la taaban karo,iyadoo uu tilmaamay ay isku tashadeen haddii ay helaan kaalmo ay sii wadi doonaan howshaasi isagoo intaa raaciyay in ay sii dhameystiri doonaan ka soo qeybgalinta dadka haray.

Wasiiir ku xigeenka Iskaashi Gobaleedka Kenya Joseph Nyaga oo isna ka hadalay ayaa aad usii dhaweeyay kulankooda,isagoo sheegay in uu darsaayay maalmahan in Shacbiga Soomaaliyeed ay doonayaan Dowlad, isagoo tilmaamay in uu taasi ka arkay Ardaydii,Waxgaradkii ,aqoonyahankii uu la kulmay shalay iyo maanta.

Mr.Joseph Nyaga, wuxuu uu weydistay Xubnaha Labada Gole,Xubnaha saraakisha sare iyo maleshiyaadka inay is cafiyaan ay u midooban sidii ay wax u qaban lahayeen,isagoo intaa raaciyay in loo baahan yahay in Beesha calamka u caddeeyaan inay mid yihiin, wuxuu kaloo ka dalbaday inay iska dayaan Qab weynida iyo is riixriixa.

Waxaa kaloo isna halkaasi ka hadlay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Femi Badajo wuxuuna sheegay in arrintan ay tilmaameyso in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeyo labada Gole, Madaxwynaha, raisul wasaaraha, wuxuuna amaanay howsha ay qabteen, isagoo caddeeyay in ay sii wadi doonaan Taageerada ay Qaramada Midoobay siiyaan Dalka soomaaliya isagoo intaa raaciyay in uu rajeynaayo in Xoghayaha guud inta aanu xafiiska ka tagin uu rajeynayo in uu soo booqdo Caasimada dalkan Soomaaliya.

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya mudane cali Maxamed geedi wuxuu kaloo maanta soo booqaday Dugsiga dhexe iyo Sare ee Alfajri, Jaamacadda Muqdisho, Machadka Simad oo uu kula Kulmay Ardayda,Macalimiinta waxayna dhamaantood Raiisul Geedi u balanqadeen inay Taageero Hiil iyo Hooba ay siin doonaan Mudane Geedi wuxuu kaloo soo kormeeray Cusbitaalka Banaadir ee Hooyada iyo Dhalaanka, wuxuuna ku soo wareegay qeybaha uu Cisbitaalka ka kooban yahay, wuxuuna halkasi dhaliil uga soo jeediyay Hay'adaha Samafalka oo aan taagero wax ku ool ah siinin.