SOMALINET NEWS ...Archives
RA'IISUL WASAARE GEEDI OO U TANAASULAY XUBNAHA LABADA GOLE E XAMAR May 2, 2005
Wasiirka 1aad ee dowladda soomaaliya oo maantay sheegay inuu u tanaasulay xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho.
Md.Cali Maxamad Geedi r/wasaaraha dowladda cusub ee soomaaliya oo isaga iyo wafdi uu horkacayay ay maalintii afaraad muqdisho kusugnaayeen ayaa maantay waxaa uu ka qeybgalay xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo gebagebeynayay tababar maalmahaan usonayay illaa 45 horjoogayaasha malleeshiyaadka muqdisho ah kaasoo lagu qabtay xarunta baarlamaanka ee magaalada muqdisho.
Intii aan laguda gelin xeritaanka tababarka ayaa waxaa r/wasaaraha hortiisa lagu dhaariyay xubno kale oo kamid ahaa iyaguna malleeshiyada xamar intaa kadib md Geedi waxaa uu warbixin ku saabsan xaaladda ciidamada la sheegay in loogu talo galay sugitaanka amniga muqdisho ka dhegaystay Jenaral Maxamed Nuur Galaal iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa ciidamadii qalabka siday ee soomaaliya taasoo uu Mr. Geedi aad madaxa ugu luxay,una jeclaysteen isaga iyo wafdigii beesha caalamka ee la socdayba.
Intaa kadib r/wasaare geedi oo hadlay waxaa uu aad u amaanay howsha xamar ka socota isagoo sidoo kale ammaan usoo jeediyay dhammaanba dadkii howlahan abaabulay iyo kuwii gacanta ka geystayba wuxuuna caddeeyay inuu raalli ka yahay islamarkaana uu qaatay mowqifkii ay qabeen xubnaha labada gole ee horayba muqdisho u sii joogay mar qura ayaa jawigii goobta waxaa uu isku beddelay meel aad uxammaasad badan isagoo ku sii daray cafis waaye xaggeyga dadkii aan mowqifka ku kala duwanayn anna waxaan rabaa buu yiri inlay cafiyo wuxuuna dalbaday inayroobi lagu wada noqdo taasoo isna laga aqbalay.Guud ahaan jawigu waxaa uu ahaa mid farxadeed siwanaagsanna waa laysu marxabbeeyay.
Xasan dhaaleey dheel10@hotmail.com muqdisho