SOMALINET NEWS ...Archives
QARAX BALAARAN OO KA DHACAY STADIYO MUQDISHU May 3, 2005
(Mogadishu) Qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay illaa 10 qofood, waxaana dhaawaca la sheegayaa inuu kor u dhaafayo inkabadan 35 qofood, waxaana ku jira qaar ka mida ah saxafiyiinta ka howlgala idaacadaha gudaha sida ay ku waramayaan mas`uuliyiinta Isbaatalada waaweyn ee Muqdisho oo aan la xiriirnay.
Qaraxan oo dhacay maanta ayaa waxaa uu hakad geliyay qudbad balaaran oo uu ras`iisal wasaare Geeddi isla goobtaa uu kala hadlayay shacabka Soomaliyeed ee ku sugnaa garoonka Stadio Muqdisho,kuwaasi oo tiradoodu ay kor u dhaafeysay waxa ka badan 30,000 kun oo ruux
Markii qaraxu dhacay ayaa markiiba waxaa lala cararay ras`iisal wasaaraha iyo xubnihii labada gole ee ku sugnaa goobtaas Qaraxaan ayaan ilaa iminka la ogeyn cidda geeysatay iyo sababta rasmiga ah ee ka danbeysay.
Ra`iisal wasaare geeddi oo qaraxa ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qaraxaasi uusan aheyn mid ku talagal ah,waxaa uuna intaa ku daray in howlaha dowladda aysan waxba u dhimeynin ooweliba ay sii wadanayaan howshoodii waxaa uu sidoo kale tacsi u diray dhamaan qaraabadii iyo eheladii inta dhaawacantay iyo inta dhimatay.
Dhinaca kale Geeddi ayaa lagu wadaa inuu maalinka berri ah uu booqasho ku tago xarunta gobolka jubada hoose ee Kismaanyo halkaasoo la filayo inuu kula kulmo Barre Hiiraale iyo Axmad Warsame oo labaduba ka tirsan dowladda FKMG somaliya.
xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia