SOMALINET NEWS ...Archives
WAR SAXAAFADEED: XAFIISKA WASIIRKA KOOWAAD May 4, 2005
War ka soo baxay xafiiska ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee KMG ayaa daboolka ka qaaday in Qaraxii Bam ee shalay ka dhacay Garoonka Stadiyum Muqdisho aanu aheyn mid isaga loogu talagalay ee uu ahaa mid si kadis ah uga baxsaday Ciidamadii Maleeshiyaadka ahaa ee joogay garoonkaasi.
Warku wuxuu intaa ku daray in aanay jirin Wararka ay qaar ka mid ah Warbaahinta ay fidiyeen oo sheegayay in falkaasi uu ahaa mid isku day ah.
Warkaasi ka soo baxay Xafiiska Ra'iisul wasaaraha wuxuu intaa raaciyay in kadib markii la xaqiijiyay Dadkii ku geeriyooday Qaraxaasi in tiradoodu dhan tahay 8 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 28 qof, oo 6 qof oo ka mid ah dadkaasi ay qabaan Dhaawacyo culus, halka ay tobaneeyo kalana isaga baxeen Cusbitaaladii la dhigay.
Afhayeenka Dowladda
Cabdiraxmaan Diinaari