site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

WASIIRKA KOOWAAD OO SOO BOOQDAY DAKII WAX KU GAAREEN STADIO MUQDISHU May 4, 2005

Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa maanta soo booqday Dadkii shalay ku dhaawacmay Qaraxii bam ee ka dahacay garoonka weyn ee Istaadiyo Muqdisho.

Raiisul Wasaare Geedi, waxa uu tagay Cusbitaalada Medina,iyo Hayaat, wuxuuna ku soo wareegay qeybihii la dhigay Dadkaasi Dhaawaca ah, isagoo ugu duceeyay dhaawacaasi in uu Alle Bogsiiyo, wuxuuna sidoo kale uu Tacsi u diray Dhamaan dadkii Geeriyooday.

Raiisul Wasaaraha wuxuu intii uu marayay Cusbitaaladasi uu warbixino la xiriira sidii wax loogu qabtay Bukaankaasi uu kaga dhageystay Agaasimayaasha Cusbitaalada Medina iyo Hayaat Dr.Shiikhdoon Salaad Cilmi,Dr.Maxamed Maxamud oo caddeeyay in Dadkii Dhaawacmay shalayto aanay u baahneyn in Dibadda loo qaado oo ay iyagu ku filan yihiin.

Mudane Geedi waxauu Dhaqaatiirta Cusbitaaladaasi ku amaanay dadaalka wax ku oolka ah ee ay u fidiyeen Walaalahood, isagoo halkaasi ka fidiyay Balanqaad la xiriira in Dowladu ay gacan balaaran sii doonto Cusbitaaladasi,wuxuu isla maanta ugu deeqay Bukaanada Cusbitaaladaasi in Min 2 Neef oo Geel ah loo qalo Bukaanada ku jira Halkaasi.

Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG Mudane Prof Cali Maxamed Geedi wuxuu kaloo kormeer Howleed ku tagay Cusbitaalka iyo xarunta Caruurta ee SOS ee Magaaladan Muqdisho wuxuuna ku soo wareegay qeybaha ay ka kooban tahay isagoo u kuurgalay Howlaha Caafimad ee halkaasi ka socdo, wuxuuna kula dardaarmay Dhaqaatirta iyo Shaqaalaha Cusbitaalkaasi inay sii labanlaabaan Waxqabadkood.

Mudane Geedi oo kormerkiisa uu ku wehliyay Wasiir ku-Xigeenka Caafimaadka Dr.Cusmaan Maxamed Dufle oo warbixin ku siinaayay Raiisul Wasaaraha ayaa u sheegay inay u baahan yihiin Cusbitaalada Dowlad wax u qabata.